“Somalia waxay u qeybsantay maamul goboleedyo aan Muqdisho ka amar qaadan”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Axmed Yuusuf Yaasiin, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa ka hadlay wada-hadalada Somaliya iyo Somaliland, isla markaana xusey waxa keliya ay labada dhinac ka wada-hadli karaan.

Axmed Yaasiin ayaa waxa kale oo uu sheegay in khilaafka Xisbiyada ee ku aadan doorashooyinka Somaliland uu ka iman karo niyad jab badan, isagoona ugu baaqay in miiska wada-hadalka lagu dhameeyo khilaafkaasi.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa arrimahaasi ka hadlay, wuxuuna yiri “Somaliya markii aynu isku darsanay, mid bay ahayd, markaas waxaa isku biiray Somaliland iyo Somalilya, balse maanta Somaliya waxay u kala baxday Puntland, Juba Land, Gal-mudug, Koonfur Galbeed, intubana Maamulka Muqdisho kama amar qaatan, markaas Somaliyadii hore waxay u kala baxday shan meelood”.

“Inaynu wada hadalnaa aad bay u adkaanaysaa, waa loo baahnaa inaynu wada hadalno waliba ka wada hadalno sidii aynu u kula guran lahayn wixii iskugu keen hadhsanaa, waxaa muhiima ah in haddii Somaliland iyo Somaliya wada hadlayaan inay Beesha Caalamku goob joog ka ahaato halka lagu wada hadlayo, laakiin cid aynu Somaliya kala la hadalnaba garan mayno, madaama Somaliya Shan qaybood u kala baxday”.

“Haddii aanu dib ula soo laabanay xoriyadii naga luntay, waxaa muhiim ah inaanu dantayada ka shaqeeyno, mar bay caadifadi na qaaday, oo bilaa shuruud aanu kula midawnay Somaliya, balse cadaafid dambe na qaadi mayso, Somaliyana niyada ha ka saarto in dib dambe Somaliland ula midawdo, Calankaas tawxiidka ah ee Somaliland lagamo yaabo in la dajiyo, ee Somaliya waxaanu leenahay aynu ahaano dalal jaara ah”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Xisbiyadu waa kuwa soo saara Madaxweynaha, Dawladdaha hoose iyo Barlamaanka, dadkuna ay doortaan hadba cidda ay ku kalsoon yihiin, iyadoo Doorashada lagu kala guulaysto sida loo kala cod badan yahay, Xisbiyadu waa in khilaafkooda meel iska dhigaan, oo Xisbi waliba uu soo xulaa ciddii matalaysay haddii ay tahay Barlamaan iyo haddii ay tahay Dawladdo hoose iyo haddii ay tahay Madaxweynaba, oo ay taas ka fikiraan”.

“I-jiid aan ku jiide waa gacamo daalis, khilaafka Xisbiyada oo sii jiitama niyad jab baa ka imanaya, ee waa inay Xisbiyadu miiska wada hadalada iskugu yimaadan, oo xooga saaran sidii xal u gaadhi lahayn, si Doorashadu inoogu dhacdo, Doorashada oo dhacdana Somaliland waa u dan, Caalamkuna uu inoogu soo istaagaya, waanu inagu qiimaynayaa, markaas waa inay Xisbiyadu heshiis gaadhan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com