Shirkii Afisyoone oo hakad la geliyey kadib markii la isku fahmi waayey (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee looga hadlayey ajandaha shirka doorashada ayaa muddo hal maalin ah hakad la galiyey, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Kulankii maanta oo ahaa maalinkii labaad ee shirka ayaa soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah laga gaarin dhammaan qodobada la isku hayo ee ku aadan ajendaha shirka. 

Madaxda ayaa la sheegay in berri ay soo sameyn doona la tashiyo dhexdooda ah, ayada oo kulanka dib loo billaabi doono maalinta Talaadada, hase yeeshee waxaa suurta-gal ah in hakadka uu kasii dheeraado hal maalin.

Wararka ayaa sheegaya in imadaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu diiday dhammaan qodobadii ay wateen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ee ay doonayeen in ajendaha shirka wada-tashi lagu soo daro, taasi oo keentay is-mari waa.

Waxaa qodobadaas ka mid ah; yareynta awoodda Madaxweynaha ee xilliga kala-guurka, weerarkii 19-kii Febraayo lagu qaaday dibad-baxayaal iyo qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha, iyo in la ballaariyo ka qeyb-galayaasha shirka.

Farmaajo ayaa waxaa mowqifkiisa ku raaciyey saddexda madaxweyne goboleed ee taabiciyiinta ah Cabdicasiis Laftagareen, Qoor Qoor, iyo Cali Guudlaawe, halka Cumar Filish uu markii horeba meesha talo ku lahayn oo uu shirarka noocan ah iska fadhiyo un.

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa la sheegay in si gaar ah uga diideen Saciid Deni iyo Axmed Madoobe inay ka hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho, sida weerarkii 19-ka Febraayo, ayaga oo ku dooday inaysan matalin.

Shirkan ayaa waxaan goobjoog ka aheyn beesha caalamka, oo ay suurta-gal aheyd inay kala dhex-geli lahayd dhinacyada.

Ma cadda, sida xaaladdu ku dambeyn doonto, hase yeeshee dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inaysan muuqan rajo, ayna arrintan ugu dambeyn ku dhammaan doonta faro-gelinta tooska ah ee beesha caalamka.