Muxuu James Swan ku macneeyey weerarkii lagu qaaday ciidamada dowladda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa maanta ka hadlay weerarkii ay shalay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku qaadeen xarumaha ciidamada Dowladda ee Awdheegle iyo Bariirre ee Shabeellaha Hoose.

James Swan ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid muujinaysa heerka ay gaarsiisan tahay naf-hurnimada maalinkasta ay sameeyaan askarta ciidamada dowladda, kuwaasi oo dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.

Waxaa uu si weyn u cambaareyay weerarkaas, asagoona ciidamada dowlada ku sifeeyay ‘geesiyaal u dagaalama bad-baadinta dalka iyo dadka Soomaaliyeed’.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarada lagu bartilmaameedsaday ciidamada Soomaaliya. Tani waa mid si cad inoo xusuusinaysa naf-hurnimada maalin kasta ay sameyaan askarta Soomaaliyeed ee sida geesiminada leh u dagaallama si ay u badbaadiyaan Soomaaliya iyo dadkeedaba,” ayuu yiri Swan.

Sidoo kale waxa uu ka tacsiyadeeyay ciidamadii ku dhintay weerarkaas oo shalay ku qaadeen dagaal-yahaano ka tirsan Shabaabka, halka kuwa ku dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan ka tacsiyeynaynaa dadkii ku dhintay, waxaana caafimaad deg-deg ah u rajeynaynaa dadkii ku dhaawacmay.”

Saldhigyada la weeraray ee Awdheegle iyo Bariire ayaa waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, gaar ahaan Guutooyinka Gorgor iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ee Ururka 60-aad oo horay deegaanadaas loo geeyay.

Dowladda ayaa dagaalkaas ka sheegatay guulo, halka taasi badalkeedana ay sheegatay Al-Shabaab oo baraha bulshada ay ku leedahay ku baahisay inay dagaalkaas kaga dishay Ciidanka dowladda illaa 47 askari, kuna furatay saanad ciidan iyo illaa lix gaadiidka dagaalka.