Xasan Sheekh oo Farmaajo uga digay arrin dhici karta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ah Guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD qeybna ka ah Madasha Badbaado Qaran ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uga digay inuu fashil u horseedo shirka Afisyoone.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii sheegay in xiligan madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday uu haysto fursad uu ku xalin karo khilaafka doorashada oo kala dhaxeeya maamulada Puntland iyo Jubbaland oo ka biyo diidan hanaanka doorasho ee gadaal ka riixeyso dowladda federaalka

Waxa uu carabka ku adkeeyay haddii uu maanta rabo Farmaajo inuu heshiis la gaaro madaxda dowlad goboleedyada ee diidan, si doorasho loo aado uu haysto fursad uu kula heshiin karo inta aysan wax walba gacmaha kasii bixin.

“Waxaan leenahay Maxamedoow maantay weli tallo kugu sugan tahay ee yeysan dhaafin teendhada Afisyoone, berri Kampala, Jabuuti iyo Addis Ababa ha ka jirin, oo meel kale ha ka jirin,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ka digay in xalka maanta taagan teendhada Afisyoone oo ay ku wada shirsan-yihiin madaxda dowladd federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada laga doono meel ka baxsan dalka, sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa imanaya xili uu weli teendhada Afisyoone ka socdo shir gaar ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka ee waqtigooda dhamaaday, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Wada-hadallada ka socda teendhada Afisyoone oo galay maalintii labaad ayaa horudhac u ah shirka guud ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, oo haddii la isku fahmo shirarkaan suurta-galinaya in heshiiska laga gaaro doorashada dalka.