QOOR QOOR oo Muqdisho ka tegaya berri + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta ka baaqday safar uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb, kadib markii uu gabalku ku dhacay diyaaraduhuna ka cudur daarteen inay goor habeen ah ka degaan Dhuusamareeb.

Qoor Qoor ayaa berri tegaya magaalada Dhuusamareeb, maadaama ay ka dhamaatay mudadii 45-ka cisho aheyd ee dastuurka Galmudug uu u ogolaanayey in Madaxweynuhu ka maqnaa karo deegaanka.

Safarka Madaxweyne Qoor Qoor uu berri ku tegayo Dhuusamareeb ayaa ku qotoma kaliya inuu soo qaato ogolaanshaha waqti kale oo deegaanka uu ka maqnaan karo.

Dad u badan xildhibaano iyo wasiirro ka tirsan Galmudug ayaa galabta soo xaadiray garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb, si loo soo dhaweeyo Qoor Qoor, balse gabal-dhicii ayaa lagu war-geliyey inuu baaqday.

Xildhibaanada qaar ayaana durba bilaabay guux siyaasadeed, maadaama 45-ka cisho ee dastuurku u ogolaanayo in madaxweynuhu ka maqnaado deegaanka ay caawa ku egtahay.

Madaxweynaha Galmudug markii uu berri subax tago Dhuusamareeb waxaa la sheegay in gelinka dambe ee isla berri uu dib ugu soo laabanayo Muqdisho ama ugu dambeyn maalinta Talaadada gelinkeeda hore.

Shirarkii hor-dhaca u ahaa shirweynaha xalka looga gaarayo khilaafka doorashada ee labadii maalmood ee lasoo dhaafay Afisyooni uga socday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

Waxaa la qorsheeyey in shirka laga soo nasto Isniinta berri ah, isla markaana madaxdu ay soo sameeyaan la tashiyo la xariira qodobadii la isku mari waayey, si maalinka xiga ee Talaadada loo sii amba qaado wadahadallada loogu gogol xaarayo shirka guud.