Ciidamada KENYA oo qarax lagula beegsaday LAMU

Nairobi (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa waxaa laga helayaa qarax lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Kenya, xilli ay marayeen magaalada Lamu ee dalkaasi.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa haleelay gaari xamuul ah oo way wateen ciidamada Kenya, xilli ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay in qaraxa kadib ay rasaas rideen ciidamada Kenya, iyagoona sameeyey howl-gallo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ahaa wadaha gaariga lala eegtay ayaa dhintay, iyada oo ay dhaawacyo soo gaareen askar kale oo la socotay, sida ay shaaciyeen dadka deegaanka.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxaana ay baahisay inay dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiyeen ciidamada dalka Kenya.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya oo ku aadan qaraxaasi la sheegay in waxyeelo lagu gaarsiiyey ciidamada dalkaasi.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan  deegaanada u dhow xad u dhow Soomaaliya.