24 xubnood oo saacadihii ugu dambeeyey DAACISH looga dilay SOOMAALIYA

Boosaaso (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal saacadihii lasoo dhaafay ay ciidanka PSF-ta Puntland ka fuliyeen degaanada buuraleyda ah ee Cal-Miskaad oo  ka tirsan gobolka Bari.

Saraakiishu waxa ay sheegeen in howlagalkaas lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Daacish, isla markaana uu halkaas ka dhacay dagaal culus oo socday ku dhawaad 48-saacadood.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay  howlgalkaas ay Daacish uga dileen ugu yaraan 24 dagaalame, isla markaana ay ku burburiyeen saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada lagu weeraray ee buuraleyda gobolka Bari.

Ciidamada Puntland waxay Daacish ka furteen sahay iyo saanad badan oo ciidan, sida ay waraabhinta u sheegeen saraakiishii hoggaamineysay howlgalka.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in ciidamadu saldhigyadii ay ka qabsadeen Daacish ay ku gubeen laba gaari oo kooxdu ay ku diyaarisay waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada PSF-ta Puntland ayaa qiray in dhankooda uu dagaalkaas ka soo gaaray khasaare kooban, in kastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.

Kooxda Daacish ayaa awoodeeda ugu badan ee Soomaaliya inta la ogyahay waxay ku leedahay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari ee Puntland, waxayna mararka qaar weerarro ka fulisaa magaalooyin ay Boosaaso ka mid tahay.