Shirkii Dhuusamareeb 4 oo natiijo la’aan soo dhamaaday

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada, iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Dhuusamareeb 4 ayaa soo dhamaaday, ayada oo aan wax heshiis ah lagu gaarin.

Shirka ayaa ugu dambeyn sababsaday muranka ka taagan gobolka Gedo ee ay isku hayaan madaxweyne Farmaajo oo beeshiisa ay degto gobolkaas iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo gobolka uu maamulkiisa hoos yimaado. 

Axmed Madoobe ayaa dalbaday, in si la mid ah dhammaan maamul goboleedyada dalka, loo madax baneeyo gobolka Gedo oo hoos yimaada, hase yeeshee waxaa taas diiday madaxweyne Farmaajo, oo doonaya inuu wax ka maamulo doorashada ka dhaceysa magaalada Garbahaarey.

Qodobka kale ee doodda badan dhaliyay ayaa noqday cidda soo magacaabeysa Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland, ee soo xulaya Xildhibaanada. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka biyo diiday in Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu soo magacaabo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Farmaajo u uku adkeystay in Cabdi Xaashi uu soo magacaabo kaliya afar xubnood oo ka mid ah guddigaas, inta kale ay dowladda soo magacowdo.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dowladda ay tanaasul ka sameysay dhammaan saddexdii qodob ee la isku hayey ee kala ahaa; arirnta gobolka Gedo, tan xildhibaanada waqooyi, iyo guddiyada doorasho, balse dhinacyadii kale laga waayey wax tanaasul ah, sida uu hadalka u dhigay.

Dubbe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu soo jeediyey in maadaama kulanka maanta uu baarlamanka uu muhiim yahay in shirkaas lagu kala tago, la iskuna soo laabto shir kale, ayada oo waqtiga iyo madasha lasoo sheegi doono.

Arrintan ayaa muujineysa cabsi la xiriirta muhiimadda uu kulanka baarlamanka ee maanta u leeyahay madaxweynaha, ayada oo uu xalay Muqdisho ka socda dadaal ay wadaan xildhibaanada qaar oo muddo kordhin sanad ah loogu sameynayo baarlamanka iyo madaxweynaha. Farmaajo ayaa saaka kusoo wajahan Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaan weli ka hadlin dhankiisa guul-darrada shirka.

Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Cusmaan Dubbe.