Taabid oo farriin u diray BF, kaddib fashilka ku yimid shirkii Dhuusamareeb 4

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahaana Duqii Muqdisho Mudane Taabid Cabdi Maxamed oo war qoraal soo saaray ayaa kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan shirkii lagu kala tegay ee magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horreyn Taabid Cabid ayaa nasiib darro ku tilmaamay fashilka ku yimid shirkaasi oo u dhexeeyey dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

“Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Taabid Cabdi Maxamed.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan leh madaxweynaha in aysan uga sii darin xaaladda adag ee uu xilligan ku jiro dalka.

Halkan hoose aqriso:-

Waa nasiib darro in shirkii Dhuusamareeb uu natiijo la’aan ku soo idlaaday, xalay gudcurkii dambana shir jaraa’id oo wareer cawo ah la qabtay halkii loo waabariisan lahaa.

Rajada iyo dulqaadka haray wuxuu ahaa in shirka aan lagu soo kala tagin heshiis la’aan, balse waxaanan garan waxa xamar loogu soo degdegayo oo aanan ka aheyn xaalad abuur.

Waxaan ugu baaqeynaa Baarlamaanka labbada Aqal ee DFS iyo cid kasta oo u diir naxeysa shacabkeena daallan, in aanan looga sii darin xaaladdan xikmad beelka ah. Qof walboow mas’uuliyad baa ku saaran ee ogow.