25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Shirkii Golaha Wasiirada oo weli la isku mari la’yahay iyo go’aanada macquulka ah in laga qaato kiiska Qalbi Dhagax

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay go’aan adag oo lama filaan ah ka qaadan doonto kiiska C/kariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).

Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilligan shir albaabada u xiran ku leh xarunta Madaxtooyada, shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa muddo saacado ah socda.

Shirkan oo ahaa mid deg deg ah oo waqtigiisa laga soo hormariyay ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aano la xiriira kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax iyo arrimo kale oo quseeya amniga.

Xogta  la helayo ayaa sheegeysa in shirka Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilligan ka socda xarunta Madaxtooyada laga soo saarayo go’aan ku saabsan in Sarkaalka ONLF ka tirsanaa ee Qalbi dhagax uu halis ku ahaa ammaanka Soomaaliya iyo dalalka deriska ah.

Ilo ku dhow dhow kukanka ayaa sheegaya in la isku mari la’yahay go’aan wadajir ah oo Golaha Wasiirada ka qaataan kiiska Qalbi Dhagax oo todobaad ka hor loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Go’aanka Qalbidhagax loogu gacan geliyay Itoobiya ayaa loo cuskaday heshiis dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen oo ay gashay dowladii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh, kaasoo ka dhacay magaalada Jigjiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada isku mari la’yihiin in ONLF loo aqoonsado Urur Argagixiso iyo in kale, waana arrin halisteeda leh sida ay ugu bareeri doonaan, maadaama markii hore arrinta Qalbi Dhagax lagala tashan.

Haddaba wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News