Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u dhac uu ku yimid shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo wasiirka arimaha gudaha uu sheegay in uu dib u furmayo sabtidii shalay.
Wasiirka arimaha gudaha ayaa shaaciyay Arbacadii in shirka uu dib kaga furmayo magaalada Jowhar maalintii shalay, balse ma aysan dhicin lamana oga waxyaabaha sababay in shirkaasi uu dib u dhac ku yimaado.
Wararka qaar oo aan heleyno ayaa sheegaya in wasiirka uu hadalkaasi jeediyay kadib markii uu balanqaadyo ka helay waxgaradka ka maqnaa shirka kuwaasi oo sheegay iney shirka ka qeyb galayaan, balse waxaa muuqata in balanta looga baxay.
Wasaarada arimaha gudaha ayaa caqabadii ugu adkeyd kala kulantay dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana uu shirkaasi soo jiitamayaa ku dhawaad lix bilood.
Waxyaabaha ugu daran ee shirkaasi dib u dhigaya ayaa ah in odayaasha dhaqanka ee Hiiraan ay doonayaan dhaqaalaha shirka ku baxaya kala bar iney helaan iyo in la siiyo caasimada hogaanka maamulka uu yeelanayo maadaama caasimada ay heystaan.
Wasiir Odowaa ayaa sameeyay talaabo kasta oo uu ku qancin karo odayaasha dhaqanka ee Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]