Shirkii madax goboleedyada ee Nairobi oo fashilmay

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba fashilmay shir si wadajir ah oo toddobaadkan madaxda dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ku dhex mari lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xogo Caasimadda Online ay heshay ayaa sheegaya in baaqashada Shirkaasi kadib ay madaxda Galmudug iyo Jubbaland inay bilaabeen kulamo kala duwan oo ay la qaadanayaan dadka deegaanadaasi kasoo jeeda iyo qaar kamid ah wakiilada caalamka.

Si rasmi ah ilaa iyo hadda looma ogaan waxyaabaha keenay in shirkaasi uu baaqdo, balse waxaa soo baxaya in culeesyo soo kordhay ay keeneen inuu baaqdo kulanka la filayay inuu ka dhaco Nairobi.

Warar kale oo aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo laga sugayay Nairobi uu shalay ka dagay magaalada Addis Ababa taasi oo qeyb ka noqotay dib u dhaca ku yimid shirka.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhankiisa ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa deg deg ugu laabtay magaalada Beledweyne, si uu isaga xaliyo culaasaadka kusoo kordhay, taasina waxay qeyb ka noqotay baaqashada shirka ka dhici lahaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan ayey dowlad Goboleedyada la lahaayeen Beesha Caalamka waxaana ay iclaamiyeen markii uu fashilmay shirkii lixda maalmood ka socdya Garowe una dhaxeeyay dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.

Madaxda maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland ayaa hadda u muuqda kuwo isku mid ka ah dagaalka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya, maadaama ay cadaadis kala duwan ay la kulmayaan.