Aadan Barre oo codsi u diray Farmaajo iyo Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo kamid ah xubnaha ugu saameynta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Kenya ayaa baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa ugu baaqay madaxweyne Farmaajo iyo Uhurru Kenyatta inay dib u eegis ku sameeyaan xiisadda diblumaasiyadeed ee sii xumaanayay maalmihii ugu dambeeyay ee u dhaxeeya labada dowladood, islamarkaana ay iyaga xaliyaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiriirka dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya uu ka weyn yahay inay isku qabsadaan biyo yar oo u dhaxeeya labada dowladood, sida uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay maalgashi ku sameysay Soomaaliya, wuxuuna maalgashigaasi sheegay inu ka dhigan yahay qaabilaada qaxootiga tirada badan iyo adkeynta amaanka gudaha dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaali badan ayaa maalgashi xoogan ku sameeyay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, walow uusan soo hadal qaadin maalgashigaasi.

Waxaa uu sidoo kale soo jeediyay in muranka dhinaca Badda ee labada dal ay iyaga kaliya xalliyaan islamarkaana uusan soo faragelin dal saddexaad.

Hadalka dambe ee Adam Barre Ducaale ayaa laga dheehan karaa sida uusan ugu qanacsaneyn dhaq dhaqaaqa dowladda Norway ay ka dhexwaddo Soomaaliya iyo Kenya maaddaama ay iyada tahay dalka gadaal ka riixaya in shirkadahiisa ay shidaal ka soo saaraan badda la isku heysto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com