‘Dadkii ka dambeeyay dilka taliyihii ciidamada booliska Hiiraan’ oo lasoo qabtay

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada amaanka ee maamulka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay shaqsiyaad la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii maalin ka hor loo geystay taliyihiin qeybta Booliska ee gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Beledweyne ayaa shaaciyay in ciidamada ay xabsiga dhigeen dadka dilka taliyaha ka dambeeyay.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in dadkaasi ay baaritaano ku socdaan, islamarkaana kaliya laga doonayo inay cadeeyaan dadka ku amray inay falkaasi fuliyaan.

“Waxaa hadda la hayaa dadkii dilay taliya, kaliya waxaa la doonayaa dadka faray inay falkaasi fuliyaan, waana lasoo qabanayaa, cidna looma dhaafayo waxii halkaan ka dhacay”ayuu yiri madaxweyne Waare.

Xiisad ayaa wali ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaan soo farageliyay dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Jabuuti ee kusugan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Odayaasha, waxgaradka, siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanka iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ku howlan sidii Yuusuf Dagabeed loogu qancin lahaa inuu xilkaasi wareejiyo, maadaama wareegto looga qaaday.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com