Dhageyso: Dabageed oo wareysi culus bixiyey – Sidee Waare ku joogaa Beledweyn?

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyahii gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda Goobjoog ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, oo uu sheegay inuu hareer maray dastuurkii u yaallay maamulkaasi.

Wuxuu sheegay Dabageed in wax walbo oo ka dhaca B/weyne uu mas’uul ka noqon doono madaxweyne Waare, lagana wareysan doono arrimahaasi.

Shaqsi ahaan ayuu sheegay inuusan duulaan ku ahayn halka uu magaalada B/weyne kaga sugan yahay madaxweynaha Hirshabelle, isagana haddii lasoo weeraro uu is difaaci doono, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dhinaca kale, Ddabageed ayaa sheegay in xilkan aan looga qaadin si sharci ah, islamarkaana shacabka gobolkaasi ay ka tashadeen maamulka Hirshabelle.

Magaalada Beledweyne waxaa ku sugan madaxweynaha Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, waxaynta rabshadahan daba socdaan xil ka qaadistii lagu sameeyey Yuusuf Dabageed.

Halkaan hoose ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
caasimada@live.com