Xildhibaan Rashiid Amiin oo jir dilay xildhibaan Faaduma Geedi + Sawirro

Nairobi (Caasimada Online) – Xildhibaan Rashiid Amiin oo laga soo doorto Bariga Wajir, ayaa maanta weeraray xildhibaan Faaduma Geedi oo iyana laga soo doorto Wajir, kana wada tirsan yihiin baarlamanka Kenya.

Rashiid ayaa la sheegay inuu Faaduma, oo ay Soomaali isla yihiin, uga daba yimid halka baabuurta la dhigto ee dhismaha baarlamanka Kenya, kadibna ay dhex-martay dood kulul ka hor inta uusan u gacan qaadin, xilli ay daawanayeen xildhibaano kale iyo ciidamada amniga.

Rashiid ayaa la sheegay inuu Fataumo Geedi oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda ee baarlamanka weydiiyey sababta aysan wax lacag ah ugu qoondeyn Bariga Wajir ee isaga laga soo doorto, intii lagu guda jiray booqasho guddiga ay halkaas ku tageen.

“Waxay ahayd qiyaatsii 10-kii subaxnimo waxaan la socday xildhibaan Gladys Wanga markii aan is aragnay Rashiid. Wuxuu I weydiiyey sababta aan wax lacag ah ugu qoondeyn dadka uu matalo. Waxaan ku iri adiga halkaas ayaad joogtay, maxaadan dadkaga u abaabulin, oo aysan usoo bandhigin kiis lagu qanci karo” ayey tiri Faaduma Geedi.

Waxay intaas ku dartay “Wuxuu iigu yeeray nacas, kadibna wuu I garaacay. Waan naxay, waana aamini waayey, kadib mar kale ayuu ii gacan qaaday.”

XIldhibaan Wanga oo la socotay Faaduma ayaa sidoo kale xaqiijisay in Rashiid uu garaacay.

Xildhibaan Faaduma ayaa la geeyey isbitaalka Karen oo looga daweeeyey dhaawcayo fudud, waxayna kadib kiiskeeda u gudbisay booliska baarlamanka, sida ku cad warqadda lagu xareeyey dacwadda.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com