“Shirkii wadatashiga waxa ay reer PUNTLAND ka dhigeen qadiyadda Gaalkacyo, lama aqbali karo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xuseen Sheekh Faarax oo ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa isaga oo muujinayey aragtidiisa ku aadan shirka Garowe uga soconayo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in Puntland oo kulanka marti gelineysa ay ka weecisay shirka ujeeddadii loo qabtay, isaga oo ku ammaanay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud khudbadii uu ka jeediyey shirkaas.

“Shirka Garowe wuxuu ahaa shir wadatashi ah oo Dowladdu ku dhageysaneysay aaraa’da madaxda maamul goboleedyada; Puntland waxey ka dhigtay qadiyad Mudug; Mudug dadkeeda iyaga ayeey ka go’daa maamulka ay raacayaan” Ayuu yiri Xuseen Sheekh Faarax, wuxuuna intaa ku daray in aysan suurtagal aheyn in beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ay (manoply) ku haysato haykalkii Dowladnimo ee ay ummaddu wada laheyd.

“Puntland waxaa caada u noqotay in mar kasta oo qeyliyaan la yiraa ha loo dhaafo waxa ay doonayaan; beel yar oo ka awood badan Dowladdii ma ahan wax ku wanaagsan nidaamka Dowliga ah” Ayuu yiri Xuseen Faarax, wuxuuna intaa ku daray in Madaxweynaha & hay’adaha dastuuriga ah ee Qaranka ay yihiin kuwa marjica u noqonaya xalinta muranada dhanka xudduudaha ee muddooyinkan soo kordhay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com