Halkee ayay ka timi LACAGTA lagu maal geliyay musharax C/kariin Xuseen Guuleed? (Xog culus)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka maamul u sameynta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya oo haatan loo fadhiyo degmada Cadaado ee Gobolka Mudug waxaa hareeyay musharxnimada C/kariin Xuseen Guuleed oo ka mida musharixiinta shiday xarunta shirka isla markaana dad badan gaaray ololihiisa musharaxnimo ee hogaanka maamulka loo dhisayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Meel kasta waxaad ku arkeysaa sawirada musharaxan, saxaafadda, odayaasha dhaqanka iyo xitaa guddiga farsamada ee muranku ka taagan yahay waxaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa musharax C/kariin Guuleed, waxayna weliba la hadal hayaa in ergada wax dooraneysa haddiiba lagu heshiiyo loo qoondeeyay qiime aysan diidi karin oo codkooda lagu iibsanayo.

Haddaba waxaa is weydiin leh halkee ayay ka timid lacagta intaas la eg ee musharaxani ku soo jiitay dhinacyadaas oo dhan??. Baaritaan arrintan aan ku sameynay waxaa ka soo baxay sida soo socota:

Waxaa dhowaan Gobolka Banaadir oo amar ka heysta madaxtooyada uu ku dhaqaaqay tallaabo uu dantii guud uga saaray dhulka loo yaqaan sarkuusta ee agagaarka Asluubta, dhulkaas oo ay lahayd Wasaaradda Gaadiidka waxaa wasiirkii hore ee Gaadiidka Saciid Jaamac Qoorsheel u qoray qoraal ku saabsan in dhulkaasi ay ka maarantay wasaaradda Gaadiidka, taasoo ahayd qorshe Gobolka Banaadir iyo Madaxtooyada ka danbeeyeen.

Kadib markii dhulkaasi laga saaray dantii guud ayuu dhowaan gobolka Banaadir ku dhaqaaqay inuu dhulkaasi siiyo dad kala duwan oo siyaasiyiin iyo dadweyne laga burburiyay degaano ay hore uga deganaayeen Muqdisho. Dhulkan oo la cabiray kadibna la asteeyay waxaa dadka boosaska laga siiyay ka mida C/KARIIN XUSEEN GUULEED oo 100 boos oo ka mida dhulkaasi gacanta ku dhigay kadibna la sheegay inuu boos waliba ku iibsaday lacag gaareysa 15,000 doolar, taasoo micnaheedu yahay inuu halkaasi ka helay lacag gaareysa Hal Milyan iyo Bar Doolar oo ka mida hantida uu musharaxan heysto ee uu ku wado ololihiisa musharaxnimada Gobollada Dhexe. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in dhulkaas ay gebi ahaantiisa iibsatay Shirkadda Hormuud.

Waxaa kaloo jira lacago kale oo qaarkeed laga helay Turkiga iyo kuwo dowladda Dhexe ugu qoondeysay, isagoo ka mida saaxiibada madaxweynaha iyo kooxda Damjadiid. Lacagta guud ahaan musharaxnimada C/kariin Guuleed loogu talogalay ayaa la sheegay inay ka badan tahay 4 Milyan oo Doolar.

Isha goobjooge