Xog: Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan & Gaas?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland, ayaa sheegaya in kulan uu albaabada u xiran yahay Madaxtooyada Maamulkaasi kuwada qaaten Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Gaas.

Kulanka ayaa la sheegayaa inuu ka duwanaa kulamadii ay horay u wada qaaten, waxaana lagu soo waramayaa in kulankaasi uu socday ku dhawaad Laba saac iyo bar.

Ujeedka kulanka ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid labada Mas’uul ay uga arinsanayeen arrimo dhowr ahaa oo ay ugu weyneyd arrinta G/Dhexe ee Somalia.

C/weli Gaas ayaa mar kale Madaxweyne Xassan ka codsaday inuu dib uga laabto go’aanka uu Mudug ugu biirinaayo Maamulka G/Dhexe ee uu dhismihiisu socdo, waxa uuna sheegay in go’aankaasi uu sababi karo sii kala fogaanshaha DF iyo Maamulka Puntland.

Gaas ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku booriyay inuusan nusqaamin hanaqaadka Maamulka Puntland oo iminka ku taagan dhabihii uu dastuurka u jiheeyay, hayeeshee waxaa arrintaasi ku gacanseeray Gaas.

Madaxweyne Xassan oo maalmahaani ku adkeysanaayay go’aankiisa diidmada ah, ayaa waxa uu hadana Madaxweyne Gaas u sheegay in u jeedka DF Somalia ay tahay in la saxo qaladaadka jira, taasina aysan suuragalin karin in Mudugta Puntland laga reebo Maamulka loo dhisaayo G/Dhexe ee Somalia.

Wuxuu u sheegay in Hiigsiga 2016-ka uu carqalad ku noqon karo hadii Puntland loo sharciyeeyo qeybta ay ku adkeysaneyso.

Warar aan lagu kalsooneyn oo aan ka heleyno Aqalka looga arimiyo Puntland, ayaa sheegaya in kulankaasi uu biyo dhiciisu noqday mid lagu kala kacay, kadib markii Xassan Sheekh uu ka dhaga adeegay rajadii laga lahaa.

Xasan ayaa weli ku taagan go’aankiisa waxaana lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada Muqdisho, isaga oo aan wax natiijo ah ka gaarin in Puntland uu ku qanciyo ka go’ida deegaanka ay sheeganeyso.

Dhanka kale, waxaa meel xasaasi ah gaaray ismari’waaga ka dhextaagan labada dhinac waxa ayna taasi dhalisay in Madaxweyne Xassan uu ka mashquulo arimaha Hogaamiyayaasha Jubba iyo Koonfur galbeed ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com