Dhageyso: Xasan Sheekh, Gaas, Shariif Xasan & Axmed Madoobe oo si wada jir ah u sheegay in…

Garoowe (Caasimada Online)- Waxaa si wadajir ah saxaafada  magaalada Garoowe ugula hadlay madaxdii labadii maalin ee lasoo dhaafay ku kulansanaa magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Shariif Xasan Sheikh Aadan oo ku horeeyay jeedinta Qudbada ayaa sheegay in wax wanaagsan ay ahaayeen qodobadii kasoo shirkii kusoo dhamaaday magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Axmed Maxamed islaam, ayaa dhankiisa sheegay shirkii magaalada Garoowe inuu ahaa mid muujiyay isku soo dhawaanshaha madaxda Soomaalida, isaga oo sheegay haddii sidaan loo tashaday lahaa iney wax badan hagaagi lahaayeen.

Dhankiisa madaxweynaha martida loo ahaa C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in Puntland guul usoo hoyatay u ahaa shirkii ka dhacay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa jeediyay qudbada ugu dambeysa ee madaxdii ku kulmayay magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com