Shirqool madaxweyne Bush lagu dili lahaa oo uu waday nin Ciraaqi oo la fashiliyey

Columbus (Caasimada Online) – Nin Ciraaqi oo magan-galyo siyaasadeed weydiistay Mareykanka ayaa qorsheeyey inuu dilo madaxweynihii hore George W. Bush, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Talaadadii.

Shihab Ahmed Shihab, oo ah 52 jir, ayaa u sheegay qof la shaqeeya FBI-da balse uusan ka war hayn, inuu doonayey inuu ugu yaraan afar qof oo kale oo Ciraaqiyiin ah usoo tahriibiyo Mareykanka isaga oo kasoo gelinaya xuduudda Mexico, si ay uga qeyb qaataan shirqoolka, sida ku cad kiis ay FBI-da ka diiwaan-gelisay maxkamad federaal oo ku taalla magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Laba ka mid ah kooxda shirqoolka ayaa noqon lahaa saraakiil horey uga tirsanaa sirdoonka Iraq, halka labada kale ay noqon lahaayeen xubnaha kooxda Daacish ama koox fadhigeedu yahay Qatar oo Shihab uu ku magacaabay “Al-Raciid.”

Shihab ayaa u sheegay qofka la shaqeeya FBI-da inay doonayeen inay dilaan Bush oo amray duulaankii Ciraaq ee 2003, “sababtoo ah waxay dareemeen inuu mas’uul ka ahaa dilka Ciraaqiyiin badan iyo inuu burburiyey dalka oo dhan,” sida ku cad warqadaha Maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu adeer u ahaa hoggaamiyihii hore ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana uu dilay dad Mareykan ah kadib duulaanka.

Shihab ayaa la xiray aroortii Talaadada waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dambi socdaal, iyo inuu kaalin iyo gacan ka gaystay isku day lagu dili lahaa mas’uul hore oo Mareykan ah.

Shihab oo degan Columbus iyo qofka la shaqeynayey FBI-da ayaa shirqoolka gaarsiiyey heer ay booqdaan magaalada Dallas ee gobolka Texas, si ay usoo eegaan meelaha uu degan yahay Bush, iyo inay ka wada hadleen sida lagu heli karo hub, dareeska ciidamada amniga iyo baabuur loo adeegsado shirqoolka.

Waxa uu sidoo kale weydiistay qof kale oo si hoose ula shaqeeya FBI-da balse uusan isaga ogeyn inuu gacan ka siiyo soo tahriibinta xubno ka tirsan qoyskiisa isaga oo u ballan-qaaday tobanaan kun oo dollar.

Shihab ayaa Mareykanka ku yimid Visa booqasho bishii September 2020, wuxuuna magan-galyo dalbaday bishii March 2021 markii uu Visa-ha ka dhacay.

AFP + VOA