Shirweynaha London:- Si fudud deeq looma helo daynna laysuguma cafiyo

11ka May, waxaa lagu qaban doonaa London (UK) shirweyne looga arrinsan doono Soomaaliya. Shirkaasi waxaa Dowladda Federalka laga sugayaa inay soo hordhigto Beesha Caalamka iyo Hay’addaha Maaliyadda (IFM, Bankiga Addunka iyo Bankiga Horumarinta Afrika) qorshe dhaqaale oo ay ku qanci-karaan. Walow bahda Reer Yurub ay diirada saari doonaan la dagaalanka Burcad-badeedka, Argagixisada, iyo ka hortaga tahriibka.

Shirkii hore Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu ku guulaystay in DFS taladeedii la Tixgeliyo. Halkaas waxay Soomaaliya ku kasbatay magac ayadoo ay noqotay dalkii ugu horeyay ee tala-bixintisii lagu daro barnaamijka dib-u-dhiska iyo nabadeenta dal bur-buray.

Shirka London wuxuu gogol xaar u yahay kan deeq bixiyaasha caalamka ee Brussels, ka soo kolkii hore Soomaaliya loogu ballan qaaday deeq dhan $2.24 Billion. Sida qaalibka ah, deeq-bixiyeyaashu ma wada fuliyaan ballantooda, xoolihii loo yaboohay Soomaaliya ma soo wada gaarin sababo kala duwan awgood:

1. Hay’adda SEMG ee Qaramada Midowday oo Soomaaliya ku eedaysay musuq-maasuq, taasoo qalbi-jabisay deeq-bixiyaashii, tuhuna gelisay qaab-u-shaqeynta hay’addaha maaliyadda.

2. Iskhilaafkii golihii ra’iisul-wasaare Saacid iyo madaxweyne Xasan Sheikh oo isna kordhiyey tuhunkii laga qabay wada shaqeynta hoggaamiyeyaasha, iyo nabadda dalka oo loo qaatay qosol-ku-jab.

3. Is-faham la’aan dhax martay deeq-bixiyasha iyo DFS kana timid deeqihii oo soo raagay iyo golayaashii isbedelay oo aan isku wargelin wajibaadka aqdiga Brussels. Si tuhunka loo bixyo loona saxo qaladka waxaa la dhisay guddi maaliyadeed oo maamula deeqaha ayadoo deeqda lagu soo uruurinayo afar sanduuq: Dowladda Norway, Qaramada Midowbay, Bankiga Adduunka iyo Bankiga Horrumarinta Afrika. Tilaabadaasi ma dardar-gelin xowliga deeqda dalka u soo gaari lahayd.

Walow si fudud aan loo helin deeq, daymahana aan laysugu cafin, shirkii Nairobi ee 19-21kii Feb’17, ku dhexmaray DFS iyo IMF wuxuu dhaliyey rajo (in la cafiyo $5.3 bln) – haddii talada IMFta la raaco lana oofiyo sharuudaha. (Shaki kuma jiro in laga miro dhalin karo shirkaasi haddii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi – Farmajo oo ay garab socdaan koox tayo leh, miiskana uu soo saaro wax lagu qanci karo sida: talo urursan, qorshe dhaqaale tifaftiran iyo siyaasad lagu dabar-goynayo musuq-maasuqa laguna sugayo nabadda). Haddii ay hore u jirtay qaab-xumo maamul maaliyadeed, maanta waxaa cad in hay’addaha maaliyadda si daah-furan u wada shaqeynayaan, ururinta daqligana uu tarmayo. Intaas waxaa dheer in la filaayo in maamulka dekeddaha dalka lagu wareejiyo shirkado caalami ah si loo tayeyo howshadooda, loo fududeyo ijra’adkooda, loo soo afjaro daar-dhuuqa hoosna loogu dhigo taakulaynta misaaniyadda dowlad-goboleedyada.

Waxaa intaas dheer, haddii waqtiyadii la soo dhaafay dowladdu ay ku ekayt Muqdisho oo kaliya, maanta waxaa dalka ka jira dowlad-goboleedyo ku howlan sidii adeega dowladda loo gaarsiin lahaa degaanadooda, dowlad-wanagana loo deeqsiinlahaa dadwaynaha. Gorgortanka ribax-wadaaga khayraadka dalka ayaa tusale noogu filan in dib u soo kabsashada Soomaaliya ay xowli dheeraad ah ku socoto.

Xiligii Talyaniga ayaa beer ku taalay magaalada Xudur nin talyaani ah oo faras ku kooreysan dhax maray lana cajabay khudaarta ku taal. Ninkii beerta lahaa iyo wiikiisa oo harsanayay geed ayuu dul istaagay kana dalbaday khudaar. Wiilkii yaraa ayaa dambiil la cararay uguna soo guray khudaartii. Kiishkiisii ayuu ku gurtay, kadibna la qumay. Meel dhexe markuu marayo ayuu dib u soo laabtay, una soo tuuray labo lire. Wiilkii ayaa u hinqaday si uu u soo qaado, hase yeeshee aabihii ayaa dib u soo dhuftay kuna yiri “quursi ma qaadano.”

Waa xiligii DFS u ololayn laheed ka qayb-galka muwaadiniinta “nin iyo tabartii” dib-u-dhiska ($2.3 bln ayaa dalka loo soo xawilaa sanadkii) si loo kordhiyo tacabka dalka, dunidana loo tuso in Soomaalidu aysan u fadhin gacan hoorsi Waa in DFS ay deeq-bixiyeyaasha ula macaamishaa sidii maal-gashteyaal, lana xaqiijiyaa in hantidooda aan lagu shubayn ceel afmadow.

Si loo dhooro aqdiga, loo xaqiijiyo habsami u isticmaalka maaliyada, waa in loo idmaa la xisaabtanka dalka lana siiya warbixino joogta ah. Bacdamaa nidaamkii wadiiqada badan usan fududayn ujeeddadii laga lahaa, waa in deeqda ku timaad hal waji – sida Bankiga Dhexe. Dalku wuxuu marayaa marxalad kala guur ah, wuxuuna diyaar u yahay in mas’uuliyadiisa uu qaato, gacanna ka geysato horumarka Geeska Afrika. Kaalmada beesha caalanka waa muhiim, hase yeeshee, qawda maqashii waxna ha u qaban looma fadhin karo.

Waxaa Qoray
Jeylaani Cariif Qaasim USA