Sawiro: Magacyada ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud ee la magacaabay

Waxaa is badal lagu sameeyayay hogaanka maamulka gobolka Banaadir xilli maa mahaanba la hadalhayay in Gudoomiye Taabit uu wado shorshayaal uu ku magacaabayo gudoomiye ku xigeenada iyo Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir waxaana Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda  goboka Banaadir  loo magacaabay   Muluuk Dhere Sheekh C/qaadir.

Sidoo kale waxaaa magacaabista cusub ee gudoomiyaha gobolka uu sameeyay kasoo dhex muuqday Saalax Sheekh Maxamed, oo loo mgacaabay  Gudoomiye ku Xigeenka Siyaasada iyo Amniga.

Gudoomiye Kuxigeenka Arimaha Bulshadda waxaa lo magacaabay: Mudane Cabdulaahi Xaaji Erig. Halka  Gudoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud  loomagacaabay, Aadan Sheekh Cali  waxaana ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Maamulka gobolka Banaadir  loo magacaabay: Subeyda Maxamed Mukhtaar

Magacaabistaan ayaa aheyd mid mudooyinii dambe si aad ah loo hadal hayay isla markaana loo dhag raaricinayay waxa kasoo kordha, iyadoo inta badan natiijada magacaabista u dhacday sidii la saadaalinayay  waxaana markii ugu horeysay xilalka gudoomiye ku xigeenadana iyo Xoghayaha gobolka kasoo dhex muuqday dumarka Soomaaliyeed oo aan heli jirin boosaska nuucaan ah .

Munaasabad xil wareejin deg deg ah ayaa goor dhow ka dhacday xarunta Gobolka Banaadir, kaasoo ay xilalka ay kula wareegayeen Kuxigeenada cusub ee Gobolka Banaadir iyo Kuxigeenadii hore ee xilka laga qaaday.

Wareegto xalay ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa xilalka looga qaaday Kuxigeenadii hore ee xilka ku raagay, iyadoo la soo magacaabay Kuxigeeno cusub oo la shaqeyn doona Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed oo horaantii bishan xilka loo magacaabay.

Is bedelka Kuxigeenada Gobolka Banaadir ayaa qaadatay muddo labo todobaad ah, iyadoo caqabado dhanka beelaha ay ka jireen, waxaana sidoo kale ku xayirneyd shaqada Guddoomiyaha cusub, maadaama uu dhowaan xilka la wareegay.

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo la sheegay inuu lahaa soo jeedinta xil ka qaadista Kuxigeenadii hore.

Arrinta cusub ayaa ah in markii u horeysay Guddoonka Gobolka Banaadir ka mid noqdeen labo Haween.

Kaddib is bedelka Kuxigeenada cusub waxaa lagu wadaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu isku shaandheyn ku sameeyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka, waxaana la isla dhex marayaa in magacaabista degmooyinka ay noqoto mid furan, oo ka duwanaato habkii horay beelaha qaar ee dega Muqdisho loogu soo magacaabi jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com