Shuruud adag oo lagu xiray shirka DHUUSAMAREB

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmuudg Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa shuruud adag ku xiray qabashada shiweynaha la filayo in dhowaan uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Baadiyow ayaa sheegay in shirka aan la qaban karin, iyada oo ammaanka Dhuusamareeb aysan la wareegin Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa xusay in arrintaasi ay kala hadleen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliye Xasan Cali iyo Khayre iyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

“Waxaa la kulanay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sheekh Shaakir, waan u sheegnay anaga Guddiga qaban qaabada maadaama aan nahay meel aan amnigeeda sugneyn oo aysan si buxuda gacanta ugu heyn Ciidamada Federaalka oo aan deegaanka aheyn haddii aan la keenin in aanay dadka u yeeri karin”ayuu yiri Baadiyow.

Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Khayre iyo hoggaanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ay ballan qaadeen in dhowaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka loo gacan galinayo amniga guud ee magaaladaasi.

Shirweynaha dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo weli tabasho ay ka qabaan reer Cadaado ayaa la filayaa inuu furmo shanta bishan August ee 2019-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com