Si aad u badbaadiso mustaqbalka Nusoj dooro Macallimu (Sawirro)

Dhicitaankii dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii, kadib waxaa dalka Soomaaliya ka soo hana qaaday warbaahin xor ah oo shacabka Soomaaliyeed usoo gudbisa xaqiiqda, la iskuna dhaafsado afkaaraha kala duwan, taasoo bilow u aheyd dimoqraadiyad dalka ka hana qaaday.

Dunida ilbaxda ah, waxay saxaafada kaga jirtaa door awoodeed ee hageysa rayulcaamka, afkaaraha xurta ah iyo dimoqraadiyada. Waa isha iyo dulucda oo ay abaarsadaan dadka, hay’addaha, kuwa gaarka iyo kuwa guud iyo intii ku xiran  aqbaarta iyo isbadalada adduunka.macalimuu-22
Soomaaliya waxaa ka hana qaaday mudo ruba qarni ah kadib, isbadal saxaafadeed ee xor tayo ahaana sii koreysa, wallow ay la kulmaan caqabado kaga imaanaya maamulka dhexe iyo kuwa ku saleysan federaalka beeleysan.

Soomaaliya, weli jahadeeda siyaaasadeysan ma ahan mid degan, waxaa qasaya awoodo shuhuubeysan laguna tilmaamo kuwa ayaandarada beeleed ku dhisan, nidaamka 4.5 iyo federaalka laga soo amaahday wadamada deriska wixii shirkii Mbagathi ka danbeeyay, hase ahate saxaafadeena xorta waxay qaadatay door ay ugu halgameyso wax toosin, sixid iyo in la abaaro dhabbo ay Soomaaliya ku hormari karto.

macalimuu-4
Sidaas darteed waxay yeeladay caddow iyo soo dhoweyn la’aan iyadoo loo arko mixnad ka horjeeda daneysiga iyo qeybsanaanta Qaranka Soomaaliyeed.

Saxafiga Soomaaliyeed waxaa soo wajahay xaalado khatar ah oo u baahan in nafsad ahaan iyo mihnad ahaan loo badbaadiyo, maantana labaduba ma haysto marka la eego xaqiiqda, waayo waxay waayeen doorkii iyo kaalintii Ururka madala bahda ay ka tirsan yihiin oo looga baahnaa in uu badbaadiyo, hadey ahaan laheyd nafsad ahaan, dhaqaale iyo wixii kale ee noloshiisa u baahnaa, taasoo ah guul daro u soo hoyotay Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee mudada nidaam la’aanta iyo waqtigan xasaasiga ah ku dhex shaqeeya dalka.
macalimuu-7
Maxamed Ibraahim Macallimuu, wuxuu kasoo dhex baxay halgan saxaafadeed, isagoo wax badan ka tabiyay Soomaaliya, aqbaara muhiim ah iyo warar la saan qaadi kara xiliga daruufeysan ee Soomaaliyada maanta, wuxuu muujiyay karti iyo aqoon isagoo difaac weyn u galay maskaxda xorta ah oo ay ku saleysan tahay saxaafadda Soomaaliyeed iyo yoolka ay hiigsaneyso.

Macallimuu Wuxuu mudan yahay in lagu bogaadiyo taariikhda lagu galay saxaafadda Soomaaliyeed iyo isagoo noqday hal door suxufi ah oo ay Soomaalida ku baraday warar ku dhisan xaqiiqooyin dhab ah, dheeri tiran isla markaana u hiilanaya dalka iyo danaha Soomaaliyeed intaba, wuxuu ku shaqeeyay daruufo adag, ee qataraheeda leh, kana kasoo gaareen waxyeelo maskaxdiisa iyo jirkiisa saameeyeen.
macalimuu-3

Hadana wuxuu diyaar u yahay inuu hoggaanka iyo ceynaanka u qabto saxaafadda Soomaaliyeed ee duulaanka lagu yahay. si aad u badbaadiso mustaqbalka Nusoj iyo Saxaafadda Soomaaliyeed dooro Macallimuu, loona arko badbaadiyaha suxufiga Soomaaliyeed iyo mihnadiisa.

Waxaa qoray: Cali Muxiyaddiin Cali

Holland.

Muxiyaddiin@hotmail.com

macalimuu-1

Dhaawac kasoo gaaray qaraxii Liido ka dhacay

macalimuu-5macalimuu-6