Sida ay guddiga cusub u kala qeybsadeen golaha wada-tashiga iyo musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga wadajir ah oo kala metalaya golaha wada-tashiga qaran iyo midowga musharixiinta ayaa lagu dhowaaqay, kadib markii xalay labada dhinac ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlay doorashooyinka.

Guddigan ayaa ka kooban illaa lix xubnood oo ka kala socda labada dhinaca, waxayna kala yihiin madaxweynayaasha Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni), Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), halka musharixiinta mucaaradka ay guddiga ku metalayaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Daahir Maxamuud Geelle.

Ujeedka loo aas aasay guddigan ayaa ah sidii turxaan bixin loogu sameyn qodobada ay cabashada ka keeneen musharixiinta ee ku jira habraaca lasoo saaray ee doorashada.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la hadlay BBC-da ayaa shaaca ka qaaday ayaa ka warbixiyey shaqada guddigan & kulankii u dhexeeyey labada dhinac ee qabsoomay.

“Fariimo nooga yimid Golaha wadatashiga qaran ayaan ula fadhiisan Madaxda Dowlad-Goboleedyada, kaddib waxaa nagu soo biiray Ra’iisul Wasaaraha oo aan kawada hadalnay turxaan bixinta cabashooyinka aan ka qabnay habraaca doorashooyinka, ” ayuu yiri.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa intaasi ku sii daray “Meelaha sida gaarka ah aan u tilmaamnay ee cabashadu ka taagan tahay waa qaabka xulista odayaasha dhaqanka, ergooyinka, lacagta diiwaangelinta, Bulshada rayidka kaalinta ay ka qaadanayaan, hubinta ergooyinka iyo qodobo kale oo culeys uu ka jiro”.

Xubnaha labada dhinac ee guddiga ayaa isla maanta kulmaya, iyaga oo guda-galayo dadaallada lagu doonayo in xal looga gaaro tabashada midowga musharixiinta oo ka horjeestay qodobadkii kasoo baxay shirkii wada-tashiga ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, is qab-qabsiga u dhexeeya mucaaradka iyo golaha wada-tashiga qaran ayaa ku soo beegmaya, xilli xasaasi ah oo la guda-galayo doorashada xubnaha golaha shacabka.