Waa kuwan shanta qodob ee lagu inqilaabay doorashada dalka ee carada dhaliyey

By Caasimada Online

Shirkii ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho, 21-kii iyo 22-kii bishan, waxa ay ku heshiiyeen hab raaca doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee soo aaddan.

Shirkaas ayey madaxda ku sheegeen in ay ku dhammaystirayaan go’aannadii midkii ay yeesheen 29-kii bishii June. Waxay sheegeen in kullankan ugu dambeeyay uu yahay mid ay si gaar ah ugu dhammaystirayaan habraacyada doorashada.

Arrimaha ay madaxdii shirtay ka wadahadleen waxaa ka mid ahaa, habraacyada dhiirrigelinta daahfurnaanta, maamulka maaliyadda, xulista ergada, amniga doorashada iyo habraaca ilaalinta qoondada haweenka.

Sidoo kale waxay madaxda isla soo qaadeen in habraaca doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland xal laga gaaro.

Haddaba qodobadii ay madaxda ku heshiiyeen waxaa ka mid ah dhowr arrimood oo guux badan ka dhex abuuray qaar ka mid ah musharraxiinta xilka madaxtinimada Soomaaliya u loolamaya, kuwa u tartamaya Golaha Shacabka iyo odayaashii soo xuli lahaa ergada xildhibaannada cusub soo dooranaysa.

1 – Xulista ergooyinka doorashada iyo kooramka

Madaxda Golaha Wadatashiga waxa ay isku raaceen in ergada doorashada ee 101-da ah ee dooranaya xildhibaannad Golaha Shacabka, ay soo xuli doonaan odayaasha dhaqanka ee ka diiwan gashan dowlad-goboleedyada iyo bulshada rayidka ah, iyadoo ugu dambayntana ay hubin doonaan Guddiga Doorashada ee heer dowlad goboleed.

Arrintaas waxay meesha ka saaraysa dowrka odayaashii 135-ta ahaa ee ka diiwaangashanaa heer federaal kuwaas oo udub dhexaad u ahaa doorashadii Soomaaliya ee middan ka horraysay.

Qodobka kale ee doodda dhaliyay waa in xubnaha bulshada rayidka ee ka mid noqonaya ergada ay soo xuli doonaan Guddiga Doorashada ee heer maamul goboleed, arrintaas oo dadka heshiiska naqdinaya ay ku doodayaan in maamul goboleedyada ay ku takri fali karaan awooddaas.

Haweenka ayaa loo asteeyay in ugu yaraan 30% ay ka noqdaan ergada, halka ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeynaya Muqdisho ay soo xulayaan odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee la isla ogolyahay.

Ergadaas waxaa ugu dambeyn hubinaya guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo Banaadiriga, halka xafiiska Ra’iisal Wasaaraha uu kor joogtaynayo qodobkaas.

Qodobka kale ee doodda dhaliyay waxaa midka la xiriira kooramka codbixinta ergada oo ay madaxda ku sheegeen inuu ansax ku noqonayo marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ka mid ah ergada.

Arrintaas waxaa dood ka muujiyay qaar ka mid ah jifooyinka wadaaga kuraasta, iyagoo sheegay in “ciddii aanan hannaanka ku qanacsanayn si fudud loogaga tegi karo.”

2 – Amniga doorashada iyo kaalinta sirdoonka maamul goboleedyada

Sida ku cad heshiiska ka soo baxay shirkii labada maalmood u socday madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaare Rooble; waxay ku isla qaateen in la diyaariyo ciidan u gaar ah amniga doorashada ee dhammaan goobaha ay ka dhacayso, iyadoo guddiga amniga doorashada ay tahay in uu diyaariyo qorshaha hawlgalka lyo miisaaniyadda amniga doorashada.

Guddigu wuxuu qaadayaa khidmada warqada dambi la’aanta ee musharaxiinta iyo ergada, iyadoo musharrax kasta ay tahay inuu bixiyo $750, halka musharixiinta dumarka ah ay bixin doonaan kala bar kharashkaasi.

Sidoo kale, khidmada warqada dambi la’aanta ee ergada waxaa looga qaadayaa $30 qof kasta.

Ciidammada maamul goboleedyada ayaa baari doono musharraxiinta iyo ergada, halkaas oo ciddii ay u gartaan in aanay dambi lahayn ay siin doonaan shahaado caddeyneysa, halka ciddii ay u arkaan in ay dambi gashayna ay awood u leeyihiin in ay liiska ka reebaan doorashada ama ergada ka reebaan.

Arrintaas waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah musharraxiinta xilalka kala duwan u orday.

Waxa ay ku doodayaan in aanay caddayn sida lagu xaqiijin karo in qofkan uu dambi galay iyo inkale, halka dadka qaar ay ku doodayaan in dadka qaar loo bartilmaameedsan doono arragtiyihii ay madaxda maamulka gobolka ka qabeen.

3 – Maamulka dhaqaalaha doorashada

Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ayaa ku heshiiyay in ay dhisaan guddiga maamul dhaqaalaha doorashada oo ka kooban heer federaal, heer maamul goboleed iyo xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Heshiiska waxa uu dhigayaa in la furo hal xisbaab bangiyeed oo guddigaas uu leeyahay, iyagoo dejin doono qoondada kharashaadka doorashada ee heer maamul goboleed.

Arrintaas oo qaar ka mid ah dadka naqdiyada siyaasadda Soomaaliya ay ka digayaan in kharashka doorashada loo adeegsado si aan habboonayn amaba lagu takri falo.

4 – Kaalinta guddiga doorashada heer Federaal

Sida ku cad heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, Guddiga doorashada ee heer federaal ayaa u muuqdo in dhinaca lagaliyay.

Heshiiska soo baxay xalay kuma cadda dowrka guddiga heer qaran, waxaana lagu koobay kor joogtayn iyo bixinta shahaadada heer federaal ee xildhibaanka la soo doorto oo keli ah, iyadoon meelnaba aanan looga sheegin kaalinta ay ka qaadanayaan xulista ergada iyo doorashada xildhibaannada.

Dhawaan ayey aheyd markii guddigaasi uu soo saaray habraaca doorashada Golaha Shacabka, taas oo ay ku caddayd in odayaasha dhaqanka ee 135-ta ah ay leeyihiin awoodda soo xulista ergada doorashada, middaas oo ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah isla guddigaasi.

Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban Ra’iisul Wasaare Rooble, madaxda maamullada iyo Gobolka banaadir, waxay u muuqdaan in ay habraacaasi iska indha tireen, ayna mid hor leh oo u gaar ah keeneen.

Illaa haddana wax war ah kama soo bixin gudoonka guddiga doorashada ee heer qaran.

5 – Awoodda la siiyay madaxda maamul goboleedyada

Markii si dhaw loo darso heshiiska ay magaalada Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, waxaa soo baxaysa in inta badan qodobadda heshiiskaasi uu awoodda doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka, gacanta u galiyay madaxda maamul goboleedyada.

Qodobbada sida wayn loo soo qaadayo waxaa ka mid ah in madaxda maamul goboleedyada ay leeyihiin awoodda soo xulista bulshada rayidka ah, iyo in odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada kale ay yihiin kuwa u diiwaangashan maamul goboleedyada, arrintaas oo ay saamayn badan ku yeelan karaan.

Ammaanka doorashada iyo baaritaanka ergada iyo musharraxiinta ayaa ah qodob kale oo madaxda maamul goboleedyada ay awood u leeyihiin gacan ku hayntiisa.

Waxaa kale oo qeyb ay ka yihiin maamulka miisaaniyadda doorasshada ay awood ku leeyihiin.

6 – Aragtida Midowga Musharrixiinta

Midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay heshiiska ay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya ku gaareen magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ka soo baxay golaha Midowga Musharrixiinta oo Muqdisho ku shiray waxay sheegeen in ay diidayaan habraaca la soo saaray ee shirkii Muqdisho uga socday madaxda ay kaga heshiiyeen.

Qoraalka waxaa lagu yiri: “Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qodobbada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada.”

“Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah.”

Isha: BBC Somali