Sida uu noqon doono habka awood qeybsiga 4.5 kadib anisixinta qodobada dasuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Soomaaliya ayaa dhawaan u codeeyey wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer aan la qabyo tirin. Waxaa taas dhinac socday in Soomaaliya ay ku dhaqmaysay nidaam awood qaybsi, oo ku salaysan afar beelood iyo bar.

Qodobbada dastuurka ee wax laga beddelay waxaa ka mid ah doorashada madaxweynaha oo ay shacabka toos u soo dooran doonaan, iyo in madaxweynuhu uu magacaabi karo xilkana ka qaadi karo ra’iisul wasaaraha isagoo aan baarlamaanka soo marsiin, iyo in seddex xisbi ay dalka ka jiri doonaan, waxaana sida muuqata ay taasi saamayn ku yeelan doontaa nidaamkii xildhibaannada sida tooska ah ay qabaa’ilku u soo xuli jireen.

Sidoo kale waxay shacabku soo dooran doonaan hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka dawlad goboleedka, golaha wakiillada dawlad goboleedka, iyo golaha deegaanka, duqa magaalada iyo ku xigeenkiisa, iyo dawladaha hoose.

Hanaanka 4.5 ayaa la soo billaabay sannadkii 2000, markii ay madaxda Soomaalidu isugu tageen dalka Jabuuti, si loo helo “Xal” ay qabaa’ilku isaga dhex arkaan haykalka siyaasadeed ee dalka ee awoodda lagu qaybsanayo.

Dadka siyaasadda indha-indheeya way ku kala argti duwan yihiin in isbeddelka dastuurka uu saamaynayo nidaamka awood qaybsiga, iyo guud ahaan mustaqbalka hanaanka qabaa’ilku awoodda ku qaybsanayeen dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey.

Haddaba dastuurka dhawaan loo codeeyey sidee u saamaynayaa hanaankii awood qaybsiga ee 4.5.

“Nidaamka 4.5 waa nala fogaaday, waxaa markiisii hore loogu tala galay inuu muddo gaaban shaqeeyo, faa’iido iyo khasaarena waa watay. Marka ugu horreysay waxaa lagu soo dhisay dawladnimada, qabaa’ilka qaarkoodna waa ka faa’iideen oo wax aysan weligood arag ayey ku heleen, qaarna dadka ayey la sinmeen, dadna dareen ayey galisay oo waxaa la dareensiiyey in ay dadka kale ka xuquuq yar yihiin,” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.

Saamaynta ugu weyn ee dastuurka uu awood qaybsiga ku yeelan doono ayuu kutilmaamay Qalimow dhinaca doorashada oo baarlamaanka iyo golayaasha deegaanka doorasho lagu soo geli doono.

“Maadaama ay dadweynuhu soo dooran doonaan murashaxiinta, waa in guddiga doorashada uu cayimo xuduuddo iyo deegaan doorashooyin, ayna shuruudaha doorashada xildhibaanka ku saleeyaan tirada dadka ku nool deegaan doorashada iyo baaxadda dhulka deegaan doorashada, waayo meelaha qaar dad badan ayaa ku nool, qaarna dad yar, suurtogalna maaha in isku si loola macaamilo meel ay ku nool yihiin 1,000 qof iyo meel ay ku nool yihiin 100,000 oo qof,” ayuu sii raaciyey Qalimow. Nidaamkaas wuxuu meesha ka saarayaa sida muuqata soo xulista odayaasha qabaa’ilka ay soo xuli jireen xildhibaannada Baarlamaanka.

Dhinaca nidaamka xisbiyada ee dastuurku dhigayo marka la eego ayaa isna ka mid ah arrimaha cusub ee sii fogeynaya awood qaybsiga qabaa’ilka.

“Haddaan caalamka kale eegno, siyaasadda waxaa isku haya mucaarad iyo muxaafad, Soomaaliyana lama yaabayno in xisbiyada aan talada haynin ay xisbiga talada haya u shirkoobaan, ama u xisbiga talada haya mid ka mid ah labada xisbi ee kale soo jiito, inay laba is raacdana la yaab ma lahaanayso,” ayuu sii raaciyey Qalimow oo ku tilmaamay in nidaamkaas xisbiyada uu meesha ka saari doono awood qaybsiga qabiilka ku dhisnaa.

Dhinac kale marka laga fiiriyo, Qalimow iyo siyaasiyiin kale waxay rumaysan yihiin in aan qabiilkii weli laga wada guurin.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo muddo dheer soo ahaa xildhibaan baarlamaan oo lagu soo xuli jiray 4.5 wuxuu weli aaminsan yahay in siyaasadda qabiilka ku dhisan ay sii jiri doonto, oo hadda uun ay sii xoogaysatay.

Wuxuu sheegay in beelaha uu ka soo jeedo ay yihiin kuwo ku dhib qabay nidaamka 4.5, wuxuuna intaa ku daray in marka laga yimaado dastuurka qoran ay beelaha “waaweyn” qaadan doonaan xubnaha muhiimka ah “madaxweyne reerki qaadan jiray ayaa qaadanaya, ra’iisul wasaare reerkii qaadan jiray ayaa qaadanaya, golaha wasiirradana sidaas ayaa loo qaybinayaa. Magaca uun baa la beddelay mooyee qaab dhismeedka iyo heykalka waxba iskama beddelin,” ayuu yiri Prof. Dhalxa.

“Qabiilka waa ku sii dhex jiri doonaa siyaasadda Soomaaliya. Dalalka Soomaaliya jaarka la ah ee madaxda tooska loo s doorto ama dalalka Afrikaanka ah badankood weli waxaa siyaasadooda xoog badan ku leh miisaanka qabiilka. Qabiilka ma dhamaanayo laakin saamayntiisa ayaa la yarayn karaa,” ayuu yiri Maxamed Nuur Qalimow.

Wuxuu u arkaa tani inay tahay talaabadii ugu horreysay ee meesha ka saaraysa in qabiilku uu siyaasiga soo doorto “Waxay dhaamaysaa in oday dhaqameed uu wax soo doorto, waxayna abuuraysaa fursad ay dadku ku helayaan xaqooda dastuuriga ah ee ah in ay wax dooran karaan, lana soo dooran karo, waana billow fiican,” ayuu yiri Qalimow. 

Isha: BBC Somali

Sidee Puntland ugu dhaqantay sida Jamhuuriyad madax-banaan oo kale?