Sidee ayaa looga fal-celiyey tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday ergey Guuleed?

Jabuuti (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shalay kulan muhiim ah Aqalka Dowlada Djibouti kula qaatay Madaxweyne Ismaaciil CUmar Geelle.

Cabdikariin ayaa ugu horeyn Madaxweyne Ismaaciil gaarsiiyey salaan sharafeed uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulanka Madaxweynaha Jabuuti iyo ergeyga arrimaha Somaliland ayaa ku qotomay wada-tashi ku aadan ka gun-gaarista wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

“Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankeenu waxa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doono. Madaxweynaha oo aan la wadaagay howsha culus ee na hortaala ayaa inoo muujiay sida dowladda Jabouti ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed,” ayuu Guuleed ku yiri qoraal uu kasoo saaray kulankan.

Cabdikariin Guuleed ayaa taageero u raadinaya ka mirra-dhallinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland, waxaana u qorsheysan in madaxda dalalka Geeska uu la kulmo oo qorshihiisa uu u gudbiyo inta aan dib loo bilaabin wadahadallada.

Haddaba, Sidee looga fal-celiyay tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday ergeyga arrimaha Somaliland?

Hoos ka aqriso, aragtiyo kala duwan oo Caasimada Online ay idinka soo aruurisay kulanka uu ergeyga arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed uu kula qaatay dalka Jabuuti madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Xasan Xaaji Axmed oo kamid ah dadka ka fal-celiyay tallaabadii ugu horeysay Guuleed iyo kulanka uu la qaatay Geelle ayaa waxa uu yiri  “Mudane qorshe degsanaa miyaa howshana hadii lagu magacaabayba fakatax ayaa hore ka tiriye?!. Wax kheyr leh Insha Allah. Hargeysa in aad tagtana waa rajeyneynaa.”

“Mudane si fiican ayaad hawsha wadahadalka u bilowday mudane madaxwyene Geele waa Oday Soomaliyeed oo mar walba jecel horumarka walaalnimda Soomaalida Geeska. Somaliland iyo Somalia waxa la soo gaadhay wakhtigay ku wada noolaan lahayeen walaalnimo iyo derisinimo tixgelin leh,” ayuu yiri Saciid Cusmaan.

Cabdiraxmaan Barkhadle oo isagu dhaliilay waxa uu kulankan kusoo kordhin karo shaqada Guuleed ayaa waxa uu yiri “Shaqadaadu halkaa maaha Cabdikariinow, Hargeysa iyo Laascaano inaad ka degtay ahayd.”

“Taageero waxaad uraadinaysaan Muuse Biixi Cabdi si aad uga khafiifisaan jabka ka soo gaadhay dagaalka,” ayuu yiri Axmed Cabdi Cumar.

“Cabdkariin Xuseen Guuleed waxaan kugula talin lahaa arrimaha Falastiin Iyo Israel inaad America u aadid oo Biden kala soo hadashid,” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Aadan oo isagu kamid ah dadka ka fal-celiyay ee sida weyn u dhaliilsan kulanka Guuleed iyo Geelle.

Cabdicasiis Kaarshe ayaa isaguna waxa uu yiri “Waan garanay Jabuuti balse maxa ka galay waddamada Geeska Afrika wada-hadalada masiirka umadda Soomaaliyeed.”

“Gudoomiye hawl culus ayaad haysaa Insh Allah waxaan rajeynayaa in la kala tago ama la midooobo,” ayuu yiri Axmed oo kamid ah dadka aragtidooda ka dhiibtay kulanka ergeyga arrimaha Somaliland uu la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Xasan Seed oo ka fal-celiyay siduu u arko kulankaan ayaa isagna waxa uu yiri “Mudane si fiican ayaad uwada shaqadii lagu doortay, xilkaas Alle ha kugu asturo doorkan waxaan ka sugayna wada-hadalkaas inu noqdo mid midha-dhala oo Somaliland guul uga soo hoyda.”

Si kastaba, Kulanka Guuleed iyo Geelle ayaa imanaya, xilli lagu wado in dhawaan dib loo bilaabo wada-hadalladii mudooyinkaan hakadka ku jiray ee Soomaaliya iyo Somaliland oo markii u dambeysay ay garwadeen ka aheyd dowladda Jabuuti.