Xiisad cusub oo ka dhex qaraxday guddoomiye Jeyte iyo HirShabelle

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan xiisad cusub oo salka ku heysa arrimaha maaliyadda ay ka dhex qaraxday guddoomiyaha gobolkaasi, Cali Jayte Cismaan iyo wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Cali Jayte oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka horymid qorshe ay HirShabelle ku dooneyso in lagu mideeyo canshuurta, wuxuuna diiday in canshuurta gobolka Hiiraan ka timaada ay ku dhacdo qasnada wasaaradda maaliyadda Hirshabelle ee degan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

“Madaama aay muhiim tahay in amaanada Shacabka la xafido oo aan lagu  takri falin laguna Degdegin waxa danta guud ah ayadoo loo eegayo si xilkasnimo ah daruufaha aay ku jiraan shacabka Reer Hiiraan aawadeed. ma jirto sabab aan waqti kaga Dhumino shacabka oo dagaal kula jiro khawaarijta Dhaqaalahooda, hooseeyo waxii aan ku kabeeynay Misaaniyada dagaalka iyo kabka adeegyada Maamulka in lagu bixiyo maanta , in loo weeciyo wax qorshaheeda waqtiyeed aanan la hubin kuna dhisan mustaqbal fog oo aan laheyn qorsho Degsan oo dhab ah midaas oo shacabka ku rideeyso dhiig bax dhaqaale  oo aan soo kabasho laheeyn iyo dib u dhac maamul oo sababi karo Dayac amni oo baahsan iyo dib u noqosho cadawga hiil u ah” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Sabab aan ugu qaado  wax ka hooseeyo  waxii aan shabaab ka diiday ineey Gobalka Hiiraan ku Haayeen, ama aan ugu qancin  karo dadka aan Masuulka ka ahay, taas micnaheedo oo ah in Hantida shacabka reer hiiraan ku baxdo meel aan hubanti laheyn danahoodane lagu kabi karin” ayuu raaciyay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran oo la isla ogolyahay, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, islamarkaana ay tahay in la ixtiraamo sarreynta sharciga.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Hiiraan ay xilligaan u baahan yihiin taageero iyo garab istaag, maadaama ay dagaal kula jiraan xoogaga Al-Shabaab, wuxuunq ku baaqat in aan looga sii darin xaaladda taagan.

“Shacabka reer Hiiraan waxeey u baahan yahiin kab’mo  ee uma baahno kufin waxaan la tacaali haayna soo kabasho amni iyo mid dhaqaale kumana darsan karno wax hoos u dhigayo midnimada umadda ayadoo la fiirinayo daruufaha lagu jiro kuwii jiray iyo kuwo abuurmi karo,” ayuu markale yiri Cali Jayte.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa inoo furan hal jid oo ah la dagaalanka khawaariijta ma jirto wax ka hooseeyo oo aan ku qanci karno maanta iyo beriba. Shacabka reer hiiraan waxaan u cadeeynayaa ka masuuliyad ahaan waligeey kuma shaqeeyn umana hogaansamin dan gaar ah anigoo awoodo inaan danta guud guulo ka curiyo mana aqbalaayo mana aqbali doono wax ka hooseeyo sharci iyo Dowladnimo”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo shalay galinkii dambe shir jaraa’id oo uu Beledweyne ku qabtay guddoomiye ku xigeenka gobolka Hiiraan oo ay hareerahiisa fadhiyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka ku sheegay in la mideynayo canshuurta maamulka HirShabelle, isla-markaana ka maamul ahaan ay ogolaadeen incanshuurta lagu shubo qasnada wasaaradda maaliyadada ee maamulkaasi.