Sidee ayey dastuurka ugu kala awood badan yihiin madaxda DF? + Awooddii XASAN oo si dadban loola wareegay !!

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mr Xasan Sheikh Mohamud wuxuu markasta ku celceliyaa inuu isagu mas’uul ka yahay wixii ka qaldamay DF Soomaaliya mudadii ay soo jirtay, Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay is weydiinayaan waxa uu ula jeedo madaxweyne Xasan Sheikh masuuliyadda uusan lahayn ee uu qaadanayo.

Dastuurka qabyada ah ee DF Soomaaliya madaxweynaha awoodiisu waa kooban tahay, awooda fulinta madaxweynaha gacanta uguma jirto, shaqada maalin laha ee dawladda Soomaaliya gacantiisa kuma jirto, Magacaabida iyo Xil ka qaadista Safiirada, Qunsulada, Golaha wasiiradda, Taliyayaasha Ciidamada iyo Dhamaan madaxda hayadaha kale ee Dawladda kuma jirto awooda Madaxweynaha ilamaa ay golaha wasiiradu usoo gudbiyaan.

Madaxweynaha Soomaaliya miyuusan noqoneyn naftiisa been u sheege, Dhacdooyinka dawladda waxaa ugu danbeysay Taliyihii Nabadsugida Cadullahi Sanbaloolshe oo Madaxweynuhu ku qanacsanaa oo ay xilka ka qaadeen Golaha wasiirada iyada aysan wax la tashi ah kala sameyn madaxweynaha. Madaxweyne Xasan Sheekh miyuusan aheyn Madaxweynihii lumiyey awoodii yareyd ee uu dastuurku siinayey taasoo ahayd inuu magacaabo ama xilka ka qaado Taliyayaasha ciidamada kadib markii golaha wasiiradu usoo gudbiyaan.

Golaha Wasiiradda iyo Raisul Wasaare Cabdi Weli ayaa ku darsaday awoodoodii ahayd usoo jeedinta Madaxweynaha Magacaabista ama Xil ka qaadista Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida ee dalka Soomaaliya, awoodaas in laga qaato madaxweyne Xasan Sheikh kuma bilaaban Xil ka qaadistii taliyaha nabadsugida Cabdullahi Sanbaloolshe, awood kala wareegista Madaxweynaha ee ku koobnayd ku dhawaaqista Xil ka qaadista ama magacaabista taliyayaasha Ciidamada marka golaha wasiiradu soo jeediyaan wuxuu Raisul wasaare Cabdi Weli la wareegay Xil ka qaadistii Taliyayaashii hore ee Booliiska iyo Nabadsugida Gen Saacid iyo Gen Bashiir Goobe iyo sidoo kale ku dhawaaqistii Magacaabista Taliyayaasha Booliiska Gen Maxamed Xasan iyo Mr Abdullahi Sanbaloolshe.

Aqristow hoos ka aqri Awooda kooban ee Dastuurka Dawladda Federaalka Soomaaliya uu siinayo Madaxweynaha Soomaaliya ee aad ka heli karto website-ka Baarlamaanka , Raisul wasaaraha iyo Ku xigeenadiisa, Golaha Wasiirada, Wasiirada, Ku xigeenada Wasiirada iyo Wasiiru dawlayaasha.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ah mid dusha iska saara masuuliyad uusan lahayn, sidoo kalana aan fahansaneyn in Dastuurka Soomaaliya ee isku qasani dhigaayo in Madaxweynaha la doortay awoodiisu kooban tahay uuna ka awood badan yahay Raisul wasaaraha uu magacaabo iyo Golahiisa wasiirada, Dalka iyo Dadka Soomaaliya amniga, Horumarka, Midnimada, Cadaalada, sinaanta shacabka waxaa Masuuliyadi ka saaran tahay Xukuumada uu dastuurkaani siinayo awooda fulinta, Madaxweyne Xasan Sheikh-na ha iska dhaafo qaadashada masuuliyad uusan lahayn oo uu ku raadinayo inuu isugu muujiyo inay isaga masuliyadisa tahay hawlaha Xukumada. Dasturka Federaalka Rasmiga ah ee ku jira website-ka Baarlamanka waxa laga degsan karaa http://www.parliament.gov.so/index.php/so/qoraalada-2

Qodobka 90aad. Xilka iyo Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Awoodaha iyo xilka Madaxweynaha waxaa ka mid ah:

(a) Wuxuu ku dhawaaqaa Xaaladda Deg degga ah iyo Xaaladda dagaal, si wafaaqsan sharciga.

(b) waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.

(c) Wuxuu magacaabaa Taliyeyaasha Ciidammada Heer Federaal iyo ka qaadista xilalkooda, markii ay soo jeediyaan Golaha Wasiirradu.

(d) Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Koowaad wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumadda Federaalka haddii ay waydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod hal-dheeri ah (50%+1).

(e) Wuxuu xilka ka qaadayaa Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.

(f) Wuxuu saxiixaa sharciyada uu soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalku, si sharci looga dhigo.

(g) Wuxuu furaa Golaha Shacabka.

(h) Wuxuu la hadlaa fadhiga gaarka ah ee Golaha Shacabka sanadkiiba mar.

(i) Wuxuu la hadli karaa Golaha Shacabka mar kasta oo kale.

(j) Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib.

(k) Wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee Xukuumadda Federaalka iyo madaxda Hey’adaha Dawladda Federaalka, marka uu soo jeediyo Golaha Wasiirradu.

(l) Wuxuu magacaabaya jagooyinka danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud, markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.

(m) Wuxuu qaabbilaa diblomaasiyiinta shisheeye iyo wakiillada qunsuliyadaha dalalka shisheeye.

(n) Wuxuu guddoonsiiyaa abaalmarinta Xushmada Qaranka markuu Golaha Wasiirradu soo jeediyo.

(o) Madaxweynuhu wuxuu kala diri karaa Golaha Shacabka marka ay muddadiisa xilku dhammaato, si doorasho ay u aadaan.

(p) In uu cafis u fidiyo ama ciqaab ka dhimo dembiilayaal marka uu ka talo-qaato Guddiga Adeegga Garsoorka.

(q) In uu saxiixo heshiisyada caalamiga ah kadib markii Golaha Wasiirrada soo jeediyo, Golaha Shacabkuna ansixiyo.

Qodobka 99aad. Xilalka Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiirradu waxa uu leeyahay awoodaha soo socda:

(a) Dejinta siyaasadda guud ee Xukuumadda iyo dhaqangelinteeda;

(b) Ogolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, si waafaqsan shuruucda;

(c) Diyaarinta hindiso sharciyadeed iyo soo-hor-dhigiddooda Golaha Shacabka;

(d) Diyaarinta miisaaniyad-sannadeedka iyo xisaab-xirkooda;

(e) Dejinta qorshaha guud oo lagu hormarinaayo dalka;

(f) Dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka iyo ilaalinta danaha Dawladda;

(g) Magacaabidda iyo xil-ka-qaadidda saraakiisha sare ee Dawladda;

(h) Golaha Wasiirradda waxay soo jeedinayaan magacaabidda/ xil kaqaadidda danjirayaasha, qunsiliyadda guud iyo diblomaasiyiinta.

(i) Awoodaha kale ee Dastuurka ama shuruucda lagu siiyey.

Qodobka 100aad: Xilka iyo Awoodda Ra’iisul-wasaaraha

Awoodaha Ra’iisul-wasaaraha waa:

(a) Madaxa Xukuumadda Federaalka ah;

(b) Magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha Golaha Wasiirrada;

(c) Horgeynta Golaha Shacabka xubnaha Golaha Wasiirrada iyo Barnaamijka Xukuumadiisa si ay u siiyaan kalsooni.

(d) In uu qabto hawlaha kale ee loogu loogu xilsaaray Dastuurkan ama sharci kale ee waafaqsan Dastuurkan iyo qiyamkiisa.

Qodobka 101aad: Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha

Ku-Xigeenka Ra’iisul-wasaaraha wuxuu qabtaa xilka Ra’iisul-wasaaraha marka uu dalka ka maqan yahay, iyo Xilalka kale uu u igmado Ra’iisul-wasaaraha.

Qodobka 102aad: Xilka Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo Wasiir Dawlaha

(1) Wasiir kasta wuxuu si shakhsi ah mas’uul uga yahay hawlaha Wasaaraddiisa.

(2) Wasiir ku-xigeen kasta wuxuu qabta xilka wasiirka wasaaraddu u igmado.

(3) Wasiiru Dawluhu wuxuu qabtaa xil gaar ah oo uu Ra’iisul-Wasaaruhu u xilsaaro.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com