Is-bar-bar dhig: Maxay Xasan Sheekh & Sheekh Shariif ku kala duwan yihiin?

Labada Madaxweyne ee ugu danbeeyay ee kala ah Sheikh Shariif iyo Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheikh labaduba waxaa ay ka mideysan yihiin inay ahaayeen markii ay xukunka qabanayeen labo nin oo siyaasadda ku cusub, Khibradda Maamul ku yar tahay, Labada Madaxweyne si lamid ah madaxdii ka horeysay waxaa ay yihiin kuwo aad madaxtinimada u jecel.

Madaxweynihii Hore Sheikh Sharif Sheikh Axmed iyo dhacdooyinka la xasuusto.

• Sheikh Shariif wuxuu siyaasada kusoo galay Gudoomiyanimadii Maxkamadii Siisii, Kadibna wuxuu noqday Gudoomiyihii Maxkamada islaamiga Soomaaliya.

• Dagaal maxkamadaha ku qaadeen dawladii Cabdullahi Yusuf iyo itoobiyaanka oo Baydhabo ku ilaalinayey waxay keeneen in Maxkamadaha awood ahaan la maquuniyo lagana saaro dhamaan goboladii ay xukamayeen, dagaaladii u dhaxeeyay Dawladii Cabdulahi Yusuf iyo Itoobiyaanka iyo Kooxdii maxkamadaha waxay isu bedeleen dagaal jabhadeyn ah.

• Sheikh Shariif kooxdii Maxkamadaha oo uu Gudoomiyaha ka ahaa wuu ka dhuuntay iskuna Dhiibay Dawladda Kenya, Kadibna wuxuu tagay Eretria isaga oo sii maray wadamo kale, Sheikh Shariif wuxuu mar labaad madax ka noqday Isbahaysigii la magic baxay dib u xoreynta Soomaaliya (ARS-ta)

• Dib u heshiisiin loo sameeyay Dawladii Cabdullahi Yusuf iyo qeyb ka mid ah Kooxdii ARS-ta oo UN-ka garwadeen ka ahaa, laguna qabtay dalka Jabuuti waxay sababtay in Sheikh Shariif loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii baarlamaanka Soomaaliya la kordhiyay lana gaarsiiyey 550 xubnood, xubnahaas oo kooxdii ARS-ta keensadeen 275 xildhibaan.

• Madaxweyne Sheikh Shariif markii uu xukunka qabsaday waxaa Maamulka dawladda, Gobolka Banaadir, ilaha Dhaqaalaha dalka sida Dekeda , Garoonka iyo inta badan waxaa gacanta ku hayey kooxdii Maxkamadaha ka saartay Muqdisho oo inta badan u badnaa Beesha Madaxweyne Shariif oo uu Ra’iisul wasaare Cali Mohamed Gedi kasoo jeeday, Madaxweyne Sheikh Shariif ma sixin cadaalad daradii ay sameeyeen Kooxdii Maxkamadaha ka saartay Muqdisho, in uu usii badiyo maahine.

• Madaxweyne Sheikh Shariif xukunkiisii xiligii hore qeyb kamid ah Maxkamadaha islaamiga wuxuu kusoo daray golihii wasiirada, sidoo kale Sheikh Shariif wuxuu lahaa nin aad ugu dhow siyaasiya,n laguna Magacaabo Shariif Xasan ahaana ninkii ka danbeeyay in Sheikh Shariif Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya.

• Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ka shaqeeyay ama qeyb ka qaatay xil ka tuuristii Ra’isul wasaare aad ugu dhowaa siyaasiyan laguna Magacaabo Maxamed Cabdullahi Farmajo, Riditaankii Farmaajo ayaa la sheegaa in Sheikh Shariif ku bedeshay in hal sano Xilka loogu kordhiyo.

• Sheikh Shariif Farmaajo kadib wuxuu Ra’iisul wasaarihii Labaad u doortay Cabdiweli Cali Gaas oo xiriirkoodu wanaagsaneyn oo ay ugu danbeyn ku tartameen Madaxtinimada Soomaaliya.

• Madaxweyne Shariif Xasan wuxuu sameeyay Ganacsato ku beel ah oo uu dhaqaalo ahaan dhisay, sidoo kale ciidamada qalabka sida ee tababarada loo dirayo wuxuu ka shaqeeyay in beeshiisu ku badato ciidamada Xooga dalka.

• Madaxweyne Sheikh Shariif wuxuu ahaa nin ay aad ugu xiran yihiin dhamaan Taliyayaasha ciidamada qalabka sida, Wasaaradaha Muhiimka ah sida arimaha gudaha iyo amniga qaranka

• Madaxweyne Sheikh Shariif inkastoo uu ku magacawnaa Madaxweynaha Soomaaliya haddana sida dhabta ah xukunkiisu wuxuu ku ekaa Magaalada Muqdisho iyo Gobolada u dhow, Dawladda Soomaaliya dhaqaalaha lagu maamulayeyna wuxuu ahaa Canshuurta reer Muqdisho, mana aheyn mid ka shaqeeya in maamulka dhaqaalaha soomaaliya la mideeyo, lana hoos geeyo dawladda soomaaliya oo lagu mideysan yahay.

• Madaxweyne Sheikh Shariif iyo Xukuumadii Farmaajo xukuumadii ka danbaysayba marnaba kama shaqeyn qaab lagu xakamaynayo Musuqmaasuqa xargaha goostay iyo shaqaalaha been abuurka ah iyo ciidanka aan jirin ee lagu lunsado dhaqaalaha yarka ah ee dawladu hesho.

• Madaxweyne Shariif ayaa ahaa mid munaasabadaha doorashadiisa ka soo qeyb galaan inta badan madaxda dawladda , Taliyayaasha ciidamada, wuxuuna si adag gacanta ugu hayay SNTV iyo Radio Muqdisho iyada oo aysan ka bixi jirin wax uusan raali ka ahayn.

• Ugu danbeyn Madaxweyne Sheikh Sharif Sheikh Axmed ayaa noqday mid aan kasoo bixin Cadaaladii laga filayey maadaama uu gudoomiye usoo noqday Maxkamadihii Islaamiga oo bilaawgii hore soomaali badani ku qanacday, wuxuuna noqday nin aan astaahilin in dib loo doorto taasoo ku dhacday doorashadii uu isi siiyey oo uu kula tartamay madaxweynaha haatan talada dalka haaya ee Xasan Sheikh

Madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu siyaasada kusoo galay Gudoomiyanimada Xisbiga PDP oo ay sameysteen Kooxda Damu jadiid.

• Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xukunka ku helay Kooxda Damujadiid iyo Xisbigooda PDP oo Xiligii Xulashada Baarlamaanka ku heshiiyey in xubnaha xisbiga intiiba suuragal ah ka shaqeeyaan iyaga oo isticmaalaya lacag in qabiiladooda ka soo galaan Baarlamaanka.

• Xasan Sheikh ayaa Madaxtinimada Dalka ku helay Naceyb Soomaalida iyo Dawladii Sheikh Shariif dhexdoodu isu qaadeen iyo 30 meeyo xildhibaan oo dhaqaalo isticmaalay kana soo galay baarlamaanka qabiiladooda, iyo 30-meeyo Xildhibaan oo dhaqaalo ku gateen , qaarna jagooyin u balan qaadeen.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu ka shaqeeyay xil ka tuuristii Ra’iisul wasaare Saacid , Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa ahaa nin aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheikh, Xukuumada Soomaaliya-na waxaa laga maamulayay Madaxtooyada Xiligii RW Saacid. Riditaanka Ra’iisul wasaare Saacid waxaa ka danbeeyay Faarax Cabdulqaadir oo ahaa Maskaxdii ka danbeysay in Xasan Sheikh noqdo Madaxweyne. Faarax Cabdulqaadir ayaa Xasan Sheikh u jooga Meeshii Shariif Xasan u joogay Madaxweynihii Hore Sheikh Shariif sanadihii xukunkiisa ugu horeeyay.

• Ra’iisul Wasaare Saacid kadib Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu Ra’iisul wasaarihii Labaad u doortay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo uusan aqoon wanaagsan u lahayn, isaga oo ka doortay Mudane Goonjeex oo uu aqoon fiican u lahaa, horeyna ku sime R/W usoo noqday, kalsoonina ka kasbaday shacabka Soomaaliyeed

• Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sidii Madaxdii isaga ka horeysay-ba waayey awoodii uu ku lahaa Magacaabida Xukuumadda iyo hawl socodsiinta guud ee xukuumada Soomaaliya, sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu waayey Wasiiradii warbixinada geyn jiray Madaxtooyada oo aanba tegi jirin shirarka Golaha wasiirada oo uu shir gudoomin jiray Ra’iisul wasarihii hore ee Saacid.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu doorashadiisa ka hor lahaa company lagu Magacaabo ALKHEYRAAD , company-gaas iyo company-yo badan oo uu dhalay wuxuu gacanta u geliyey qandaraasyo badan oo dawlado caalamka ah iyo dawladda soomaaliya bixiyeen.

• Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu noqday Madaxweyne aan Maamulka Golaha xukuumadda Gacanta ku heyn, sidoo kalana wuxuu noqday Madaxweyne an taageero badan ku lahayn Golaha Baarlamaanka.

• Madaxweyne Xasan Sheikh inkastoo uu ku magacaaban yahay Madaxweynaha Soomaaliya haddana sida dhabta ah xukunka DF soomaaliya wuxuu ku eg yahay Magaalada Muqdisho iyo Gobolada u dhow, Dawladda Soomaaliya dhaqaalaha lagu maamulo waa Canshuurta reer Muqdisho, sidoo kalana Xasan Sheikh , Xukuumadda iyo Baarlamaankaba marnaba kama shaqeyn in maamulka dhaqaalaha, amniga, Garsoorka soomaaliya la mideeyo, lana hoos geeyo dawladda Federaalka soomaaliya.

• Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Xukuumadaba marnaba ma sameyn qaab lagu xakamaynayo Musuqmaasuqa xarkaha goostay iyo shaqaalaha been abuurka ah iyo ciidanka aan jirin ee lagu lunsado dhaqaalaha yarka ah ee dawladu hesho.

• Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa noqday mid munaasabadaha doorashadiisa aysan kasoo qeyb galin madaxda dawladda , Taliyayaasha ciidamada, wuxuuna noqday mid ka duwan madaxweynihii ka horeeyay oo gacanta ku hayey dhamaan taliyayaasha Ciidamada iyo warfaafinta dawladda , Madaxweyne Xasan Sheikh waxaana gacantiisa ku jirin warfaafinta Dawladda SNTV iyo Radio Muqdisho.

• Ugu danbeyn Madaxweyne Xasan Sheikh ayaan kasoo bixin intii laga filayey, wuxuuna noqday nin aan astaahilin in dib loo doorto, kaasoo lumiyey taageerada shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.co