Video: SHEEKH UMAL oo jawaab culus ka bixiyey buug uu qoray nin Somali ah

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umul oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa si kulul u naqdiyay buug uu qoray Qoraa Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil, buugaasi oo lagu magacaabo Xadka Riddada Maxaa Ka Run?, oo la macno ah (Xukunka Qofkii Diinta Ka Baxa Maxaa Ka Run ah), wuxuuna Sheekh Umul uu riddiyay buugga qoraaga qoray.

Sheekh Maxamed umul ayaa Buugaani ku tilmaamay inuu xambaarsan yahay Gaalnimo cad oo weliba Malab la dhex geliyay, isagoo ugu digay halista uu leeyahay buugaani.

Buuggaani ayuu sidoo kale sheegay in dhamaan qodobada ku qoran dhamaantood ay yihiin kuwo xambaarsan Gaalnimo cad iyo qaladaad fara badan oo Shareecadda Islaamka uu ka galay.

Qodobada uu ka carooday Sheekh Umul ayaa waxaa ka mid ah Qodob uu qoraagu buuga uu ku haystaa Culumada iyo Muslimiinta “Maxaa u leedihiin Diinteena kaliya ayaa xaq ah, Maxaa ugu faraxdaan markuu qof gaal ah Islaamo, maxaase ugu naxdaan qof Muslim ah markuu aado diinta diimaha kale ileen diin sax ah buu aadayee, qofka diinta Islaamka wuu ka bixi karaa, murtadna lama dhihi karo, lamana dili karo”qodobadaasi iyo qodobo kele oo alle ka furasho ah.

Qoraaga Buugga ayaa sidoo kale wuxuu meel ka dhac uu u geystay Nabi Muxamed CSW isagoo isweydiiyay in Nabi Muxamed bililiqo ku nool uu ahaa.

Kitaabkaan ayuu sheegay Sheekh Umul in uu ku saleysan yahay dhowr arrimood oo ugu horeyso in lagu xumeeyo Diinta, Gudbinta afkaarta Mushrikiinta Diinta baratay iyo qodobo kale oo loo dul qaadan karin in la aqristo lana iibsado buuggaani.

HALKAN KA DAAWO FARIINTA SHEEKH UMUL