Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga siyaasad badiyey Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa todobaadkii la soo dhaafay sheegay in uusan dhaqan geli doonin qeyb kamid ah heshiiska doorashada Soomaaliya haddii aysan dowladda Soomaaliya ciidankeeda ka soo saarin gobalka Gedo.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan fulin heshiiskii ay la gashay Jubaland ee arimaha gobalka Gedo, haddii ay dhici weysana aysan dhaqan geli doonin arrimaha heshiiska doorashada Soomaaliya qeybta quseysa Gedo, gaar ahaan doorashada la filayo in ay ka dhacdo Garbohaareey oo xarunta gobalka Gedo.

Dooda Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay tahay mid aan meelna ku tiirsaneen islamarkaana aysan dhaqan geli karin maadaama markii horaba heshiisku ahaa mid qarsoodi ah.

“Axmed Madoobe waxaa muuqata in loo dhigay qiyaano siyaasadeed sababtoo ah heshiisku ma aheyn mid qoran, beesha caalamku goobjoog kama aheyn sidoo kale ma jirin qof kale oo goobjoog ahaa marka laga reebo saaxibkiisa Deni, waxaana muuqata in aan laga ogolaan doonin diidmo waxaana soo farogelin doono beesha caalamka haddii uu isku dayo,” ayuu yiri Prof.  Cabdirisaaq Jimcaale oo kamid ah falanqeeyaasha arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

“Waa dhici kartaa in isku dhacyo yimaadaan markaas waa macquul in wada-hadallo dib loo galo laakiin hadda iima muuqato meel ay ku tiirsan tahay doodda madaxweynaha Jubaland laakiin markasta doorashada waa ka dhacaysaa Gedo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. Cabdirisaaq.

Dhinaca kale, Prof. Cabdirisaaq ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uusan dooneyn in Gedo ay ka soo baxaan ciidanka dowladda ee ku sugan sababo badan aawgood, waxaana jira qorshayaal kale oo ay dowladdu isku dayi doonto haddii ay u socon weyso rabitaankeeda.

“Madaxweynaha inuu yahay hoggaamiyaha dalka waxaa u dheer in uu reer Gedo yahay maamulka Jubaland-na waxey shacabka gobalkaas ka tabanayaan dhibaatooyin badan marka ma muuqato go’aan dhow oo Farmaajo ciidan uga soo saarayo gobalka Gedo,” ayuu markale Caasimada Online u sheegay Prof. Cabdirisaaq Jimcaale.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa todobaadkii hore ka digay fashil ku yimaada heshiiska doorashada Soomaaliya ilaa laga dhaqan geliyo is afgaradkii laga gaaray arimaha gobalka Gedo.

Wali ma jirto wax war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo hadalka Axmed Madoobe ku saabsan, hase yeeshee ilo-wareedyo ayaa Caasimada Online u sheegay in qorshaha Villa Somalia uusan ku jirin ciidamo laga soo saaro Gedo.

Axmed Madoobe ayaa hadda waxaa u furan inuu diido qabashada doorashada Kismaayo oo ah 27 xildhibaan, ama inuu qabto sidoo kalena aqbalo tan Gedo. Haddii uu diido doorashada Gedo u joogsan meyso, waxaana suurta-gal ah in laga dhaqaaqo oo xitaa kuwa Kismaayo lagu qabto Gedo. Waxaa halkan ka muuqata in laga siyaasad badiyey.