Video: Xasan Daahir oo shaaciyey arrimo badan kadib geeridii Cali Khaliif, farriina u diray beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa muuqaal uu iska soo duubay waxa uu ugu horeyn uga tacsiyadeeyay geerida ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaliya Cali Khaliif Galeyr oo Khamiistii ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-Galbeed.

Xasan Daahir ayaa ka taariikheeyay inta uu ka yaqiinay Prof. Cali Khaliif Galeyr, sidoo kale waxa uu dadka Soomaaliyeed kala dardaarmay beesha uu ka dhashay ee Dhulbahante oo uu ku tilmaamay cidda Soomaali isku heysa.

“Intii siyaasi aan geeridiisa maqlaayey nin ay Isheydu u ilmeysay asagaan ka arkay, waxa uu ahaa ninkii kaliya ee isku deyay in dowladda Itoobiya uu meel ka saaro Soomaalida, waxaana u maleynaa markii xilka laga qaadayey inuu taas eersaday,” ayuu yiri Xasan Daahir Aweys.

Waxa uu sheegay inuu ka xumaaday xil ka qaadistiisii xilligaas ee Cali Khaliif, isla markaana uu aaminsanyahay in madaxweynihii xilligaas Cabdiqaasin Salaad culeys lagu saaray inuu xilka ka qaado.

“Waxaa iiga darneyd oo aana hilmaamin, Cali Khaliif xilligaas waxaa lagu bedelay Xasan Abshir Faarax oo dalka Ra’iisul wasaare looga dhigay, Xasan markiiba Itoobiya ayuu aaday, markii uu kasoo laabtay dalka Imaaraadka oo aan joogay ayuu igu soo maray.”

“Markaas ayaan weydiiyey ‘Itoobiya maxaad kala soo kulantay?’ markaasuu igu yiri warqad cad intaan u dhiibnay ayaan dhahnay waxaad naga rabtaan ku qorta, ra’iisul wasaarihii xiligaas ee Itoobiya Meles Zenawi waxuu ugu jawaabay r/wasaarihii Soomaaliya Xasan Abshir ‘waxa aan Soomaaliya ka rabno warqadi ma qaado’ waligey ma iloobo hadalkaas,” ayuu yiri Xasan Daahir.

Waxa uu sheegay in beesha Dhulbahante ee uu ka dhashay Cali Khaliif Galeyr ay tahay sil-silada isku heysa dadka Soomaaliyeed oo qarka u saran inay u kala go’aan koonfur iyo waqooyi.

“Dadka uu ka dhashay waxaan u dardaarmayaa inay samraan, dadka Soomaaliyeed-na qabiilkaas waan kala dardaarmayaa, meel khatar ah ayey ku jiraan oo xiriirka Soomaali ayey isku celiyaan, runtii iyaguna wey ku dhib qabaan” ayuu yiri Xasan Daahir.

Hoos ka Daawo muuqaalka

https://youtu.be/d_Ond9eczhU