Maxay tahay sababta maanta loo xiray jidadka Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa saaka aroortii hore xiray qaar ka mid ah jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka, islamarkaana ah kuwa loo yaqaano Koofi Cas ee ka mid ah ilaada madaxtooyada ayaa lagu soo daadiyey wadooyinkaasi, iyaga oo hakad galiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka dadweynaha iyo midka gaarka loo leeyahay.

Dadka lugeynayo oo isugu jira arday iyo kuwa shaqo u socda ayaa cagahooda maalaya, si ay gaaraan xarumahooda.

Meelaha xiran waxaa ka mid ah dhammaan isgoysyada mara wadada Maka Al-Mukarrama & sidoo kale waddada hormarta Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Ma jirin war-gelin ama wax ogeysiis ah oo ay bixiyeen laamaha amniga dowladda, waxaana taas ay keentay in saaka dadka ay ku soo waabariistaan wadooyinka oo xiran.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababta loo xiray jidadka ay tahay booqasho uu Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku tegayo isbitaallada Yardemeli, Banaadir, Madiina, Digfeer iyo goobo kale oo ay ka mid tahay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda.

Rooble ayaa maalmihii u dambeeyey waday kormeer, isaga oo shalay booqday xarunta taliiska ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Xirnaasha wadooyinka ayaa wax iska caadi ah ka noqday caasimada, waxaana mar-weliba oo kormeer ay sameynayaan mas’uuliyiinta dowladda, ama shirar waa weyn ay dhacayaan Muqdisho la xiraa jidadka muhiimka ah, iyada oo ii dhibaato weyn ku qabaan shacabka.