Dil argagax leh oo xalay ka dhacay GAALKACYO iyo wararkii ugu dambeeyey

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay ka dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysan Bistoolado ayaa waxaa loo geystay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Maxamed (Siciid Maradona).

Marxuumka ayaa waxaa lagu dhex-dilay masjidka Abuu Hureyra ee ku yaalla xaafadda Israac ee magaaladaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in kooxihii ka dambeeyey dilkaasi argagaxa leh ee loo geystay marxuumka ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee maamulka Puntland oo howl-gallo ka sameeyey xaafadda uu dilku ka dhacay.

Siciid Maradona ayaa caan ka ahaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka mid ah Taksiilayaasha ka shaqeeya gudaha magaaladaasi.

Illaa iyo hadda laga sababta rasmiga ah ee loo beegsaday, islamarkaana loo toogtay, iyadoo weli laamaha amnigu ay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Ammaanka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii la soo dhaafay faraha ka sii baxayey, waxaana ka dhacayay dilal iyo iska hor imaadyo dhexmara ciidanka amniga maleeshiyaad hubeysan oo weli ku sugan qeybo ka mid ah magaaladaasi.