Cismaan Barre oo ‘doonaya’ inuu la wareego hogaanka HirShabeelle iyo sababta

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo dib ugu laabtay magaalada Jowhar ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi iyo doorashada ku soo food leh dowlad goboleedka HirShabelle.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto watigeeda, islamarkaana aan dib loo dhigi doonin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay istaagtay howshii guddiga farsamada ee soo xulista xildhibaanada, kadib culeys uga yimid madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, balse waxa uu hoosta ka xariiqay inay shaqadu soo soconeyso, islamarkaana halkeeda laga sii wadi doono.

Guddoomiyaha golaha wakiilada HirShabelle oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in mudada sharciga ah ee xil-heynta madaxda maamulkaasi uu dhammaaday, islamarkaana ay ku ekeyd 9-kii bishan oo shalay ku beegneyd, sida uu hadalka u dhigay.

Barre ayaa xusay in dastuur ahaan uu shaqada u sii wadi golaha baarlamaanka, maadaama Waare iyo xukuumaddiisa uu waqtigu ka idlaaday.

“DG Hir-Shabeelle sida uu dastuurka ku dhigan waa in 4-tii sanaba la qabto doorasho lagu soo dhisayo maamul qaata waqti kale, waa in lagu dhaqaaqaa fulinta sharciga oo na siiyay shaqada aan qabanay 4-tii sano ee lasoo dhaafay, Xukuumadda waqtigeeda halkaas ayuu ku dhamaaday waxaa kaliya howsha sii wada Baarlamaanka oo ku simaya Baarlamaanka cusub sida ku xusan qodobka 40-aad ee dastuurka DG Hir-Shabeelle.” ayuu yiri Sheekh Cismaan Barre Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in isaga uu yahay guddoomiyaha hay’adda sharci dajinta, islamarkaana uu sifo sharci ah kuu joogo, kana shaqeyn doono doorashada.

“Madaxweynaha & Xukuumadda shaqadoodu waa ay dhammaatay, Aniga waxa aan ahay Guddoomiyihii hay’adda sharci dejinta oo halkaan waxa aan ku joogaa sharci, waxaa bilaabaneysa howsha doorashada, Ergooyinka ayaa guda-galaya xulista Baarlamaanka, Guddiga farsamo ee uu magacaabay Madaxweynuhu ayaa bilaabay howsha.” ayuu sii raaciyey.

Khilaafka ka dhashay doorashada HirShabelle ayaa u muuqda mid sii xoogeynaya marba marka ka dambeysa, mana jiro diyaarow rasmi ah oo ku aadan dhismaha maamulka cusub ee HirShabelle, maadaama la gaaray xilliga la qabanayo doorashada guud ee HirShabelle.