28.1 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Sidee ayuu Shariif Xasan u arkaa heshiiska uu la galay shirkada DP World?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay heshiisyo hordhac ah uu la galay Madaxda Shirkadda Dakadaha Dubai ee DP World.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in maamulkiisa uu aad uga fekeraayo sida dhaqaale looga soo saari lahaa Dekadaha maamulka ee aan iminka shaqeyn.

Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in madaxda Shirkada DP World, ay kala hadleen sida ugu muhiimsan ee lagu dayactiri lahaa Dekadda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Waxa uu sheegay inay isku raaceen in marka hore la qiimeeyo Dekadda iyo dhaqaalaha ku bixikara, iyadoo intaa kadib lagu sameyn doono dib u dhis.

”Waxaan ku heshiinay in wax laga bedelo qaabka Dekkada, Maamulka Shirkada waxa ay naga aqbaleen inay qiimeeyan Dekadda kadibna ay la wareegan iyadoo la maraayo sharciga”

Shariif Xasan waxa uu sidoo kale bogaadiyay qaabka uu u dhacay heshiiska, waxa uuna ballanqaaday inay ka faa’iideysan doonaan fursadaha horyaal.

Shirkada DP World, ayaa horay ula wareegtay Dakada Magaalada Berbera ee Somaliland, Dakadda Boosaaso ee Puntland, iminkana waxaa miiska saaran tan Baraawe.

Shirkada DP World oo laga leeyahay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta ayaa fadhigeeda wuxuu yahay dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News