Sidee ayuu u dhacay qaraxii shalay? + Iskarigii isku dhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wuxuu ahaa Qarax aad u xoogan oo laga maqlay dhawaqiisa magaalada Muqdisho, waxaana loo adeegsaday Gaari Caasi (Homy) ah oo qaraxyo laga buuxiyay.

Waxay ahedy xili aan ka fogeyn casir liiqii, mar qura ayaa waxaa la maqlay dhawaqa qaraxa xoogan oo ka dhacay albaabka Tiyaatarka qaranka Soomaaliya, waxaana dad badan oo aan ka fogeyn goobta wax ay ka dhaceen la kulmeen naxdin iyo walbahaar.

Daqiiqado kooban oo la garan waayay halka ay wax ka jiraan ayaa marqura jawiga uu soo laabtay, waxaana la ogaaday waxa dhacay inay ahaayeen qarax gaari laga buuxiyay.

HALKUU Gaariga ka yimid ?

Gaariga oo Homey ahaa wuxuu kasoo laabtay wadada dhanka Xaawo Taako, wuxuuna isku dayay inuu maro  waddo aan gaadiidka dadweynaha loo ogleyn.

Wuxuu la wareegay dhagxaan wadada taalay, isagoo afka aadiyay dhanka iyo wadada Tiyaatarka hareer marta ee aada dhanka 15 May, balse waxaa ka hor istaagay mid kamid ah ciidamada dowladda.

Askariga ayaa wuxuu isku dayay in gaariga ka celiyo wadada, waxaana uu dhowr jeer siiyay digniin ku aadan inuu wadada ka leexdo, balse markii dambe ayuu dib kaga dagay.

Muxuu sameeyay wadadaha gaariga is qarxiyay ?

Wadaha gaariga qarxay wuxuu ka dhago adeegay hadalka askariga ee ahaa inuu gaariga joojiyo, wuxuuna muddo seddex jeer ah gaariga afkiisa ku dhiftay darbiga birta ay taalay, laakiin ma uusan qarxin seddexdaasi jeer.

Askariga goobta joogay ayaa markii dambe dareemay in gaariga uu ujeedo lahaa, wuxuuna dib kaga dagay gaariga isaga oo u yeeray askartii kale ee la joogay, balse markii ay diyaar garow galeen ayuu qaraxii dhacay.

Askariga diidanaa in gaariga uu gudbo goobta ayuu ku dhintay, laakiin saaxiibadii kale wey dhaawacmeen qaarkoodna wey dhinteen.

Kadib maxaa dhacay ?

Markii qaraxa uu dhacay qof kasta waxay baadi goob u gashay dadkii ay Muuq garaneysay, waxaana meesha dhan qabsaday rasaas ay ridayaan ciidamada gadaal ka yimid, kuwaasi oo dadka doonayay inay goobta ka fogaadaan.

Waxaa soo gaaray goobta masuuliyiin kala duwan, amaankana ma aheyn mid si weyn u adkeysan, oo waxaaba halis kale ahaan laheyd in gaari kale oo qarax uu ka buuxo lala soo galo.

Meydad badan ayaa laga daad gureeyay goobta, waxaana dadka waxyeelada ay gaartay kamid ahaa dad watay gaadiid oo qabar daar iska ahaa, kuna jiray safka baaritaanka gaadiidka goobta marayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com