Sidee ayay bulshadu uga falcelisay arrinta uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa haatan fidiyay gogol wadatashi ah oo ay qayb ka noqonayaan madaxda siyaasiyiinta mucaaradka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda.

Gogoshan uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa si weyn u soo dhaweeyay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo iyagu u arka fursad wax lagu sixi karo, xilli uu dalka ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.”

Hase yeeshee, waxay intaa ku dareen in “si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira-dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha, aan looga maarmin ka mira-dhalinta gogosha.”

Sidoo kale, bulshada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ka fal-celiyay arrintaan, iyagoo badankood soo dhaweeyeen, halka qaar kale ay ku adkeeyeen madaxweynaha inuu ka mira-dhalinta gogosha uu fidiyay.

Fal-celinta shacabka

Aweys Haji Muhamuud: “Waqti kursi la isku qabsado lama taagno marka hore Al-Shabaab ayaa iska xoraynaysa kadibna ha idin ahaato is-qab-qabsi. Mar kale, Al-Shabaab hala xureeyo, Soomaaliya.”

“Muhiimada in lala shiro mucaaradka ma ahan oo kaliya iyaga maanta waxey qaban karaan ma jiraan xil raadis leh, laakiin waa in Puntland iyo Jubaland lala heshiiyo, kuwaas haddii lala heshiyo wax walba wey ku hagaagayaan. Laakiin sida Farmaajo, hadey dhacdo sida Farmaajo, lee kugu dhici,” ayuu yiri Xuseen Omaari.

Ugaas Abdirashid Yahye: “Haddii aad xitaa shirtaan wax miro-dhal ah ma soo saraysaan mushkilada hadda jirta, mid kala kusii dareysan, shir oo shir badan balse wax wanaagsan soo saara iskana dhafa sida hore ee intaa shirtaan, hadana inaan waxba qaban jirin.”

“Waan soo dhaweyneynaa hadalka madaxweynaha ka bulsho ahaan.
Haddii suurtowdo inay dhacaan shirkan la isugu yeerayo madaxda gobollada iyo saamileyda siyaasadda, laba mid ayay noqoneysaa: 1. In madaxweynuhu tanaasul uu sameeyo oo ah doorasho qof iyo cod in uusan ku tashan. 2. In shirkaas meesha lagugu kala tagi doona is-faham waa siyaasadeed,” ayuu yiri Maxamed Maame Cadde.

Xamse Cali: “Xasan Sheekh ha aaminina, waxaanu xalay ku hadlayay waligiis kama dhabayn doono, Sheekh Shariifow ergaadi ku dooran lahaa inoo sii aruuri.”

Cabdiraxmaan Cali Maxamed: “Maanta haloo midoobo goynta cancer-ka dalka ka soo dhashay, gacal, xigaal iyo in qof lagu xumeeyo midna ma lahan nimankaani.”

“Haddii idinka isku mashquushaan ogaada Al-Shabaab inay idiin qabsaneyso, ee joojiya, waxaad raadineysaan waxa ka soocaya Khawaarij, oo an idiin kala reebeynin, ee hala ciribtiro. Joojiya waran, waran ku taaga,” ayuu yiir Maxamed Yuusuf Indhaceel.

Siciid Cadow: “In la isfahmo waa muhiim. Kaligey aan isku filanshay majirto, cid isku filan majirto. Gacmo wadajir, wax ku gooyan.”

“Maanta waqti siyaasadeed laga hadlo lama taagno oo dalkeena lagu soo duulay. Laakiin nasiib wanaagsan, siyaasiyiin xumaha, umadda Soomaaliyeed wey baratay,” ayuu yiri Xamda Xuseen Cali.