Sidee Farmaajo loogu soo dhoweeyey Addis (Sawiro)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa waxaa Magaalada Addis Ababa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar iyo Wasiirka Warfaafinta dowlada Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa halkaas uga qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka ku mideysan Ururka IGAD ayaa muddo hal maalin ah oo shirku socanayo waxa ay kaga arrinsanayaan dhammeystirka dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka ku mideysan IGAD.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysanaya qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aadan dhameystirka heshiiska lagu soo afjarayo colaada iyo dib-u-soo celinta nabadda dalka Koonfurta Suudaan.

Iyadoona Guddi Madaxeedka loo xil saaray arrinkan laga dhageysan doono warbixin ku saabsan qodobbadii laga fuliyey heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku wehelinaya shirkan ayaa la wadaagi doona Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xoojinta iskaashiga, wax wada-qabsiga iyo nabadeynta dalalka Gobolka, si looga gudbo caqabadaha dib-u-dhigay horumarka Qaaradda Afrika guud ahaan gaar ahaan midda Geeska Afrika.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta, kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale iyo is-dhex galka bulsho ee dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cumar, waxa ayna kawada hadleen xaalada dhulka Soomaalida, iyadoo Farmaajo uu ku taliyay in la xasiliyo jawiga.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga amaanka,horumarka iyo horumarinta dadaallada nabadda ee ka socda Geeska Afrika.