Fiqi: Farmaajo ayaa Casir iyo Sh. Cismaan u jebinaya duminta maamuladooda

Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo siyaasadda ay dowladda Soomaaliya ku maamusho dalka ayaa ka hadlay gurxufta cusub ee kasoo if baxday Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo ah kuwa ugu daciifsan maamulada dalka ka jiro shaqo ahaan iyo tayo ahaan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ugu baaqay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug iyo Hirshabeelle inay ka shaqeeyaan danaha maamuladooda, iyadoo uu soo ifbaxayo xiisado siyaasadeed oo maamuladaas lugaha la galayo iyo mooshino is barbar socda.

Axmed Fiqi ayaa sheegay in hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ugu jawaabay hadaladooda ay u ekaayeen kuwo jiibis ah iyo balan-qaad, kaddib markii Madaxweynuhu sheegay inay labada Guddoomiye Baarlamaan ay kala shaqeynayaan danta Guud.

Halkaan hoose ka akhriso hadalka uu Fiqi soo dhigay Bartiisa Facebook

Guddoomiyaasha barlamaanada Dawlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle waxaa la gudboon in ay ka shaqeeyaan danaha maamuladooda, kulana shaqeeyaan madaxda maamuladaas xayndaabka dastuurka, si ka waxgaradsan qaabka ay hadda u dhaqmayaan, oo u ekeysiinaysa kuwoloo adeegsanayso burburinta maamuladooda sida ka muuqatay haddaladoodii munaasabaddii furitaanka Kalfadhiga Afraad ee golaha shacabka, iyo hadaladii jiibiska & ballanqaadka ahaa ee uu madaxweynuhu uga jawaabay hadalkoodii.

Caasaimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com