Xog: GAAS iyo CAMEY oo qarinaya heshiis beesha caalamka ay la galeen

Garoowe (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa maamulka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Cabdixakiin Camey ayaa ka gaabsanaya in ay shacabka maamulkooda uga run sheegaan xaaladda collaada ee Tukaraq.

Dagaal bilowday bishii Janaayo kaddib markii uu mmaulka Somaliland qabsaday Tukaraq ayaa ilaa iyo hadda la isku horfadhiyaa jiiidda hore ee deeganadaas.

Tiraba afar jeer ayuu aagaas dagaal aan natiijo dhalin ku dhexmaray labada maamul ee ku hardamaya gacan ku haynta gobolka Sool.

Hase ahaatee, iyada oo markii horeba loo arkayey in Gaas iyo Camey ku doonayeen in ay xukunka ku dheereystaan ayaa waxa ay hadda Caasimada Online heshay xog sheegeysa in Puntland iyo Somaliland saxiixeen heshiis lagu soo afjarayo collaada Tukaraq.

Muxuu yahay heshiiska?

Saraakiil sare oo ka tirsan madaxtooyada Puntland, gaar ahaan xafiiska Injineer Camey, oo ah ku xigeenka hoggaamiyaha maamulkaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in  Puntland iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis dhigaya in la joojiyo dagaalka.

Heshiiska waxaa gar wadeyn ka ah beesha Caalamka iyo waliba urur gobolleedka IGAD.

Qodobka ugu weyn ee lagu heshiiyey waa in qolaba halka ay iminka ku sugan tahay ay joogto halkaasna lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya labada mamul.

Sidoo kale, waxa ay Puntland dalbatay sida laga soo xiganayo xafiiska hoggaamiye ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullahi Xaaji Cumar Camey in muddo la siiyo kala qaadista ciidamada is horfadhiya si aysan shacabka uga horimaan.

Sidoo kale, waxa ay Gaas iyo Camey ka baqayaan falcelinta uga imaan karta musharixiinta, shacabka Sool iyo waliba guud ahaan Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com