Michael KEATING iyo wixii ka yaabiyey intii uu dalka SOMAALIYA ku sugnaa

Nairobi (Caasimada Online) – Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobw u joogay Soomaaliya ee hadda xilkaas baneenaya, Michael Keating ayaa wariyaha BBC-da Marry Harper uga warramay arrintii aadka uga yaabisay intii uu Soomaaliya ka shaqeenayey.

Keating oo bedelay Nicolas Kay oo u warramaya Marry Happer waxa uu yiri: “Waxa aan aadka ula yaabay waxaa ka mid ah in Soomaalida aad dood kulul la gali karto hadana waxyar kaddib ay noqonayaan kuwo ilaaway wixii idin dhexmaray oo halkii ay saaxiibtinimadiina ka sii soconeysaa.”

Waxa uu sheegay in dadka Soomaalida yihiin kuwa aan aqoon wax niyadda lagu sii qaado, oo durba ay iska noqonayaan dad caadi ah.

Keating oo uu toddobaadkii hore uga ekaa xilkii ergeynimo ee uu Qaramada Midoobe ugu qaabilanaa Soomaaliya ayaa wareysigiisa lagu sii daayey barnaamijka Focus On Africa ee xalay ka baxay BBC World Service.

Dhinaca kale, Keating waxaa sagootin wanaagsan u sameeyey qaar ka mid ah madaxda Soomaaliya sida ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre halka uu sidoo kale si qadarin leh u sharfay doorkiisii diblomaasiyadeed ergeyga Midowga Africa u fadhiya Soomaaliya Nicholas Madeira.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com