Prof. Gaandi oo si yaab leh uga hadlay go’aanka ka soo baxay shirka Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – XIldhibaan Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ka mid ah mudanayaasha BFS ayaa sheegay in qodobada kasoo baxay shirka kusoo dhamaaday magaalada Kismaayo aysan wada khaldaneen.

Gaandi, waxa uu sheegay in cadaadiskaasi uu dowlada Somalia uga imaaday faragalin uu sheegay inay ku sameysay arrimaha maamulada.

Xildhibaan Gaandi, waxa uu dowladda Somalia ku eedeeyey inay dagaal la gashay maamulada, isagoo tilmaamay inay ku howlan tahay duminta Dowlad Goboleedyada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Gaandi, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay mar waliba dooneyso in Madaxda maamulada ula dhaqanto sida Guddoomiyayaasha Degmooyinka.

Waxauu sheegay in dowlada Somalia ay ilowday wadatashigii kala dhexeeyay maamulada ka jira dalka, waxa uuna taa ku sheegay cadaadinta iyo khilaafka ugu badan ee kadhex oogan dowlada iyo maamulada.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in wax walba oo ka dhasha go’aankii kasoo baxay shirka Kismaayo ay eedeeda qaadaneyso dowladda Federaalka Somalia.

Sidoo kale, Xildhibaan Gaandi ayaa carab dhabay in waxbadan ay ka jiran wararka kasoo baxay Hogaamiyaha Jubbaland ee ku aadan in DFS ay qalqal amni kawado deegaanada Jubbaland, sida lagu sheegay warbixin uu Gaandi siiyay Idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho.

Haddalka Gaandi, ayaa u muuqanaya mid lagu garbinaayo qodobada shirka, iyadoo ay xusid mudan tahay in go’aanka kasoo baxay ay isku khilaafen madaxda maamulada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com