Khiyaanada Qarniga: Sida Mareylkanka & Imaaraatka ay khaarijinta Jabuuti isula qorsheeyeen (Qeybti 4-aad)

By Asad Cabdullahi Mataan

Halkan ka aqri qeybihii hore.

Maalgashiga Imaaraad ee Barbara markii hore waxa uu u muuqday in ujeedkiisa ugu wayni uu yahay in ay Abu Dabey cagta la hesho meel ay ku qabsan karto badeecadaha iyo adeegyada uu ubaahan yahay Suuqa Itoobiya si ka duwan Jabuuti, wana hadaf taabtay hanka istiraatiijiga ah ee fog ee Itoobiya oo walwal ka qabtay ku ku tiirsanaanta ganacsigeeda Jabuuti oo kaliya, sidoo kale waxaa soo muuqday in tallaabooyinkan Imaaraadku ay aad ugu habboon yihiin sidii ugu ciqaabi lahayd Jabuuti khilaafkii ka dhashay Xaruntii Kunteenarrada ee Dooraale iyo eryiddii ciidamadii Imaaraadka 2015-kii.

Yeelkeede, faa’iidooyinka heshiisku intaa kaliya kuma koobnaanin, ee Imaaraad iyo Itoobiya waxa ay si isula fahmeen sidii loola dhaqmi lahaa Eratariya, iyada oo ay taageertay Adis Ababa dadaalada Imaaraadku ay saldhig badeedka kaga dhisanayso Barbara si loo yareeyo muhiimadda uu leeyahay saldhigga Casab, kahor inta aysan Itoobiya caddaynin aragtideeda ku aaddan joogitaanka Imaaraadka ee Eratariya, gaar ahaan markii xiriirka Adis Ababa iyo Abu Dabey uu hormaray, iyada oo Itoobiya ay is tustay in buuxinta Imaaraadka ee saldhigyada Eratariya uu ugu yaraan ka hortagi karo in Eratariya ay halkaa ka kirayso Masar oo ay Itoobiya u aragto halis istaraatiji ah.

Abiy Axmed markii uu talada qabtay bishii Maarso, xiriirka labada dal waxa uu galay weji cusub,gaar ahaan ajandaha dib u heshiisiineed ee uu la yimid Raysulwasaaraha cusubi, oo ay ugu wayn tahay in uu meesha ka saaro cadaawadda taariikhiga ahaa ee waddankiisa loo hayo oo ay ugu horayso Eratariya.

15-kii juun, 10 maalmood kaddib markii uu ku dhawaaqay Abiy Axmed in Itoobiya ay fulinayso heshiiskii Aljeeriya ee la sixiixay 2002-dii ayna aqoonsanayso in Eratariya ay leedahay tuulada Baadame, ayuu booqday Adis Ababa dhaxal sugaha Abu Dubey Maxamed Bin Saayd si uu ula kulmo Abiy, halkaas oo labada dal ay kaga dhawaaqeen in Imaaraadku ay dhigi doonto $1,000,000,000 bangiga dhexe ee Itoobiya si loo dajiyo loona kordhiya kaydka lacagaha adag ee dalkaasi, intaana waxaa sii dheerayd in ay siisay $2,000,000,000 oo kaalma ah oo lagu taageerayo dhaqaalaha Itoobiya.

Wax yar kaddib safarkii Maxamed Bin Saayd ee Itoobiya ayaa waxaa Adis Ababa u safray wafdi Eratariyaan ah si ay wada hadallo ula soo yeeshaan, wafdigaas oo qaatay diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Imaaraadka ee Fly Emirates, maalmo yar kaddib ayuu booqday madaxwaynaha Eratariya Asiyaas Afawarqe Abu Dabey halkaas oo uu kula kulmay Maxamed Bin Saayd maalgashiyo waaweyn oo xagga beeraha iyo kaabayaasha Eratariya ah, ugu dambaynna lagu soo afmeeray safarradaas u kala dab qaadidda ah in 9 Luulyo ay hab isku siiyaan Abiy Axmed iyo Asiyaas Afawarqe magaalada Asmara, sheegaanna in ay gaareen heshiis nabadeed oo taariikhi ah, gar wadeenna ay ka tahay dowladda Imaaraadku.

Bishii Abriil ayuu Yamamoto soo gabagabeeyay booqosho uu ku tagay Eratariya, waxa ayna ahayd booqashadii ugu horaysay ee masuul Maraykan ihi uu ku tago Asmara muddo sanado ah, isaga oo halkaa ka sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay dhexdhexaadiso Itoobiya iyo Eratariya.

Iyada oo ay jirto kaalinta wayn ee ay ka gaysatay Abu Dabey heshiisiinta Itoobiya iyo Eratariya, haddana waxaa xusid mudan in jadwalka hawsha heshiisiinta, ama haddii si kale loo dhigo qorshaha dhaqan celinta Eratariya uu ahaa qorshe Maraykan, halka ay Abu Dabey ka wadday Afrika socdaallo musaalaxo, sidoo kale waxaa ka socday xafiisyada wasaaradda arrimaha dibadda ee Washington dadaallo kale oo kuwaas garab socday, oo ay ka soo qayb galeen wasiirka arrimaha dibadda ee Eratariya Cismaan Saalax iyo Yamaani Gabriyeet, la taliyaha madaxwaynaha Eratariya, iyo sidoo kale raysulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Wadahadaladaas oo uu gar wadeen ka ahaa madixii arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda ee xilligaas Donald Yamamoto. Dhawr usbuuc kahor wada hadalladii Washington siiba bishii Abriil ayay ahayd markii uu Yamamoto soo gabagabeeyay booqashadiisii uu ku tagay Eratariya, taas oo ahay booqashadii ugu horreeysey ee uu masuul Maraykan ah uu ku tago Asmara muddo dheer, weliba mid ka hadlaya dhexdhexaadin, taas oo ahayd wax aan horay looga baranin Maraykanka marka ay timaaddo u dhowaanshihiisa Asmara oo uu mar walba u arki jiray in ay tahay mid kamid caasimadaha Afrika ee ”sharci” ka bood ka ah colkana la ah Maraykanka.

Taariikhiyan, Maraykanku badanaa col ayuu la ahaa Eratariya, laga soo billaabo markii Ingiriiska iyo Maraykan ku ay soo jeediyeen in mustacmaraddii hore ee Talyaaniga lagu daro Itoobiya bilawgii kontomaadkii, iyada oo aysan Eratariyiintu rabin, mar dambana xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa waxa ay taageertay Washington xaliifkeedii xayla Salaase oo ahaa boqorkii Itoobiya dagaalkiisii uu kaga soo horjeeday dagaal yahannadii Eratariyiinta ahaa.

Xitaa todobaatamaadkii iyo sideetamaadkii markii uu Itoobiya oo uu xukumayo Mingiste Xayle Maryam oo isbahaysi la ahaa Midowgii Soofiyeeti, Maraykanku col ayuu la ahaa Eratariyiinta, inkastoo xilligii maamulkii Clinton uu dhacay waxoogaa uu furfurmay xiriirka labada dal kaddib bilowgii sagaashamaadkii oo ay siisay kaalmo lacageed iyo mid millatari, haddana furfurnaantaasi meesha way ka baxday dhawr sano kaddib markii uu dhacay dagaalkii u dhaxeeyay Itoobiya iyo Eratariya 1998-kii markaas oo Washington ay joojisay in ay hub ka iibiso Eratariya.

Intii lagu jiray xukunkii maamulkii George W. Bush-kii yaraa Eratariya waxa ay ahayd mid kamid ah faylasha ay sida cad isugu khilaafsanaayeen diblomaasiyiinta iyo askarta sar sare ee Washington, diblomaasiyiintu waxa ay u arkayeen Asmara in meel waxba ku kallifaynin si ay ugu dhagto qiyam uu Maraykanku sheegto ee xuquuqul insaanka iyo dimoqraadiyadda, ka sii horna siyaasiintu sida badan waxa ay siiyeen Itoobiya miisaan wayn oo cad iyaga oo fiirinaya maslaxadda Itoobiya, dariska xajmiga wayn ee ee boqolka malyan ah, halka masuuliyiin waawayn ee Bentagon-ku ay udoonayeen ilaa iyo waqti hore in si dhow loola dhaqmo Eratariya ilaa iyo xilligii wasiirkii arrimaha dibadda ee hore Donald Rumsfeld kaas oo ka hadlay sanadkii 2002-dii, dadaalada Eratariya ee la dagaalanka argagixisada iyo faa’iidooyinka uu Maraykanku ka helayo haddii lala dhaqmo.

La soco qaybta 5-aad…

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur