Waraabe: Somalia indhaha ayey isku haysaa innaga ayaa uga saameyn badan..

Hargeysa (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID,Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Somalia ay uga saameyn badan yihiin isbedelada ka jira Gobolka.

Feysal Cali, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay uga horeeyan dhanka calaaqaadka, sidaa aawgeedna ay uga saameyn badan yihiin dhinacyada xiriirka iyo hormarada Gobolka.

Waxa uu Feysal Cali, sheegay in isbedelada socda ay saameyn weyn ku yeelan doonaan Somaliland, balse waxa uu arrin nasiib daro ah ku sheegay in maamulka Muuse Biixi uu sabab u noqdo in Somaliland ay iminka ka harto isbedelada socda.

“Waxaa xaqiiqo ah in is bedeladani saamayn inagu yeelanayaan, sidaas oo ay tahay waxaa haboon inaynu doorkeena ka ciyaarno is bedelada xawliga ah ee ka socda Wadamada Geeska Afrika, oo aynaan ka gaabinin”

“Adduunku waa ogyahay in Somalia aan uga horeyno dhanka isbedelada Gobolka, waayo Somaliland waxa ay waligeeda saaxiib la aheyd adduunka, halka Somalia ay ku dhawaad sadax sano ku jirto saaxaada”

“Si taa lamid ah ayan Somalia uga horeynaa dhanka saameynta waxaa nasiib daro ah in Muuse Biixi uu naga reebo isbedelada ka socda Geeska Africa”

Waxa uu sheegay in Somaliland ay kaalinteeda ku heli karto keliya inay is muujiso qaranimadeeda iyo jiritaankeeda, taasi oo uu cadeeyay in hormar ay u sababi karto Somaliland xili waliba.

Isagoo ka hadlaayay sida ay uga siyaasad duwan yihiin Somalia ayuu yiri “Wadan kasta, Dal kasta, Qaarad kasta iyo Cid kastaba waxaanu leenahay Somaliland Somaliya ka mid maaha, ee waanu kala madax banaanahay, siday Eriterea iyo Ethiopia ay u kala go’een ayaanu Somaliya iyo Somaliland u kala go’een”

“Si aan isbedelada uga faa’iideysano waxaanu adduunka u sheegeynaa in laba dal aynu kala nahay,  ee marnaba ha isku kaaya khaldina, mar baanu isku biirnay, aanu raadinaynay shanti Somaliyeed, balse markii ay suurtagal noqon weyday, ee waliba cadaadis iyo dhib badan na soo gaadhay ayaanu dib ula soo laabanay xoriyadaydii, ee waxaanu Somaliya leenahay aynu ahaano laba Dal oo jaara, sida Itoobiya iyo Eriterea”.

Sidoo kale, Feysal Cali ayaa Madaxda Geeska Africa ugu baaqay in isbedelada socda ay ka qeybgaliyan Somaliland si buu yiri ay usoo bandhigan Kheyraadkooda dhan waliba ah.

Haddalka Feysal Cali ayaa u muuqda mid ay Somaliland ku muujineyso baqdin ku aadan inay ka dhex muuqan weydo isbedelada ka socda Gobolka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com