R/W KHEYRE: Cidna uma hakin doono qorshaheena

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Somalia ayaa sheegtay inay sii kordhineyso talaabooyinka lagu doonayo nabadeynta dalka iyo Hormarinta qeybaha kale ee dalka.

Dowladu waxa ay sheegtay in ilaa iyo xad ay isbedelo dhan waliba ah ka hirgalisay dalka, halka inta harsan ay ku sameyn doonto muddo kooban.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia oo arrintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in guud ahaan dowladu ay ka faa’iideysaneyso wakhtiga u harsan, waxa uuna tilmaamay in isbedelada socda uu gaari doono min caasimada ilaa gobolada.

Waxa uu tilmaamay inay jiraan dhinacyo aad uga soo horjeedo isbedelada iyo hormarada ay tiigsaneyso dowlada, hase yeeshee aysan u hakin doonin.

“Dowladu wey ka go’an tahay in heer gabagabo ay gaarsiiso howlaheeda, waxaa noo harsan howlo badan waxana soo qabanay howlo kasii badan, wey jiraan dad arka wanaaga dowlada iyo kuwo aanba arag horumarada ay gaareyso dowlada”

Kheyre waxa uu sheegay in dadka shacabka ah laga doonaayo inaysan dhag jalaq usiin dhagar uu sheegay in qeybaha kasoo horjeeda siyaasada dowlada ay wadan.

Waxa uu sheegay in mucaaradka xitaa ay isku dayayaan in khaladaadka dowlada ka dhaca ay qaab khaldan u dhigan, iyagoo ka faa’iideysanaaya shacabka.

Sidoo kale, waxa uu arrin aad u fool-xun ku sheegay in qof muwaadin ah loo adeegsado dhibaateynta dalkiisa, waxa uuna ku celcelshay in howshooda aysan u hakan doonin hadalo khalan oo laga baahiyo dowlada.

Haddalkani ayuu Kheyre ka sheegay kulan uu la qaatay qaar kamid shaqaalaha dowlada oo uu ku dhiiri galinaayay inay u halgaman dalkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com