Sidee khilaafka Farmaajo iyo Rooble u saameyn karaa doorashooyinka Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markale dib u soo cusboonaaday khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Khilaafkan ayaa bannaanka usoo baxay markii madaxweynuhu ku eedeeyey ra’iisul wasaaraha inuu gudan waayey waajibaadkii loo igmaday ee doorashada, kadibna Rooble uu isna soo saaray qoraal liddi ku ah Farmaajo, kuna sheegay inuu la mid yahay musharixiinta.

Haddaba, sidee khilaafka Farmaajo iyo Rooble u saameyn karaa geeddi socodka doorashada?

Wasiirkii hore wasaaradda Batroolka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo u warramay VOA ayaa shaaca ka qaaday in khilaafka u dhexeeya labada mas’uul uusan aheyn kii ugu horreeyey, isla-markaana uu yahay mid mar labaad soo laba kacleeyey.

“Waxaad u maleysaa in taariikhdii ay mar labaad dib isku celineyso, haddana madaxweynihii uu soo saaray waraaq kale oo ra’iisul wasaaruhuna waraaq kale ku diidayo,” ayuu yiri wasiirkii hore ee Batroolka oo ka hadlayey khilaafka haatan Farmaajo iyo Rooble.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay ins qab-qabsiga madaxweynaha muddo xileediisa uu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha uu saameyn xoogan ku yeelan karo geeddi socodka doorashooyinka, wuxuuna tilmaaamay in loo baahan yahay in cashir laga barto wax haatan ka socda dalalka Itoobiya iyo Afghanistaan oo uu tusaale u soo qaatay.

Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda federaalka in aysan horseed u noqon burburka dalka, isla-markaana ay u turaan dadkooda.

“Haddii aan usoo gudubno saameynta guud ay ku sameyneyso doorashada horta waxaa muhiim ah in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan doorasho la diidan yahay ama doorasho la’isku diidan yahay waxaa noogu filan maxsuulka kasoo baxay Itoobiya iyo Afghanistan, dadka mas’uuliyiinta ah waa inay gartaan inaanu waddankan u horseedin in dowladda yar ee lasoo dhoo dhoobay ay burburto,” ayuu markale sii raaciyey Maxamed Mukhtaar.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in mas’uuliyadda ay haatan saaran tahay Golaha Wada-Tashiga Qaran, isaga oo tilmaamay in looga baahan yahay inay qaataan doorkooda.

“Mas’uuliyada waxa ay saaran tahay Golaha Wada-tashga Qaran waxaa loo baahan yahay in awoodooda doorashada ay ka dhabeeyaan,” ayuu sii kusoo gabagabeeyey hadalkiisa.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo meeshii ugu sarreysay ay gaartay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, waxaana Farmaajo uu shaaca ka qaaday inuu shaqada ka joojiyey ra’iisul wasaaraha, sida uu ku sheegay qoraalkii ugu dambeeyey ee uu xalay soo saaray.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii